Qarax gaari oo MUQDISHO ka dhacay caawa iyo warar sheegaya in qaraxa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax kale ayaa caawa mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, oo habeennadii dhowaa la kulmeysay qaraxyo dhowr ah.

Qaraxa caawa, oo ka dhacay degamada Warta-Nabadda (Ex-Wardhiigley), ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari lagu xiray miino kadibna qarxay.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurka qarxay uu lahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, waxaana ay wararku sheegayaan in nasiib wanaagsan aysan jirin cid ka ag dhoweyd gaariga markii uu qarxayey.

Dad shacab ah oo yimid goobta qaraxa, ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu si xun u bur-buray, islamarkaana haddii dad ay ka ag dhowaan lahaayeen goobta, uu qaraxa sababi lahaa khasaare xooggan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com