Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaalada Beledweyne

Kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa maanta qarax waxaa lagula eegtay Magaalada Beledwayne ee xarunta Hiiran.

Qaraxa ayaa waxaa uu Ciidamada Ku qabsaday iyagoo ku sii jeeday Deegaanka Ceelgaal waxaana uu ka soo tagay deegaanka Buurta Qowleed ee Beledwayne ka tirsan.

Gawaarida ay Wateen  Mid kamid ah Ciidamada itoobiya ayuu qaraxa aafeeyay iyadoo nooca uu qaraxa ahaa la sheegay Miinada Dhulka lagu aaso.

Risaas ayay hawada u fureen Ciidanka waxaana u soo gurmaday Ciidamo kale oo ka yimid deegaanka Buurta Qowleed.

Cid sheegatay Ma jirto Masuuliyada qaraxa maanta lagula eegtay Duleedka Beledwayne Ciidamada Itoobiya kaas oo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.