Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla Muqdisho + Khsaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin hor dhac ah ka soo saaray qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaas oo beegsaday maqaayad laga cunteynayey.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in 10 qof ay ku waxyeelowday qaraxa, kuwaas oo lix dhimasho tahay, afarna dhaawac.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sadiiq Aadan afhayeenka booliska Soomaaliya.

Maqaayada uu qaraxaan ka dhacay ayaa ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska degmada Shangaani, waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala aagga uu qaraxaasi ka dhacay.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga tacsiyeeyey khasaarihii dhimaaho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaas caawa ka dhacay mayaaqad ku taalla degmada degmada Shangaani ee gobolka Benaadir.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey baraha bulshada ee Ra’iisulwasaare Rooble.