Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa oo beegsaday gawaari lagu baarayey koontarool ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin, halka qofka kalena uu yahay ruux shacab ah.

Is-miidaamiyaha ayaa bartilmaameedsaday gaari nooca aan xabadda karin oo uu saarnaa General Garabey oo ah taliyaha Saadka ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inuu qabsaday daaqadda gaariga, Balsem Jananka uu ka bad-baaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaas ay goobta ku sugneyd Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, taas oo ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kooban oo ay soo saartay ayey ku sheegtay in qaar ka mid ah askarta ilaalada u aheyd ay dhinteen, kuwa kalena ay dhaawacmeen.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” ayey tiri guddoomiyamaha degmada Warta Nabadda.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Zeynab Xaabsey ayaa horay waxaa waxyeelo xoogan uga soo gaartay weerarkii is-miidaaminta ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay ENG. Yariisow.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa kusoo aadaya, xilli Muqdisho laga dareemayo diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha oo 15 bishan ka dhaceysa Afisyoone.