Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ahaa miino , waxaana la sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen 7 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay degmada Kaaraan.

Wararka qaar ee la xiriira qaraxa ayaa sheegaya inuu ka dhacay xafiiska waaxda canshuur aruurinta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo faahfaahin aan laga bixin.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen labo ruux oo kamid ahaa ciidamadii halkaasi howsha ka waday, dad kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen kuwo rayid ah.

Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka degmada ayaa goobta ka bilaabay baaritaano amaan xaqiijin ah, waxaana goobta ka dhow suuqa Caanaha ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com