Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha amaanka ee suuqa Xamarweyne  Cismaan Baynoos oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in hal ruux uu ku dhintay qaraxa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo ciyaal ah, sida uu sheegay taliyaha.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aadan wuxuu ahaa, waxaase wararka ay sheegayan in qaraxa uu ahaa miino dhulka ku aasneyd, iyadoo dadka qaarkii ay sheegayaan waxyaabo ciyaalka ay ku ciyaarayeen.

Labada ciyaalka ah ee dhaawacantay ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa, waxaana lagu qaatay mooto dhug dhugley oo lagu gaarsiiyay xarun caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la sheegayaa inay sameynayaan baaritaano ay amaanka ku xaqiijinayaan.

Lama oga dadka ka dambeeya qaraxaasi saaka ka dhacay agagaarka suuqa bacadlaha ee degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com