Qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax kale ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo noqonayo qaraxii labaad oo caawa salaadii Maqrib kadib laga maqlo magaalada Muqdisho.

Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Muna oo ku dhow Beerta Nabadda, waxaana uu ahaa gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Qaraxaasi kadib waxaa qarax kale laga maqlay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka iskuul Jabuuti oo ku yaala degmada Wadajir.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa labaad lala eegtay gaari nooca xabadda aysan karin iyo gaari Cabdi Bille ahaa oo marayay agagaarka Iskuul Jabuuti.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay caawa magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com