QARAX maanta ka dhacay Afgooye oo mas’uul lagu dilay

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu watay mas’uulkaasi, waxaana la soo wariyey in uu ku dhintay weerarkan oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootada nooca loo yaqaano Feken-ta, taas oo lagu dhuftay gaari uu watay marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxa iyo sidoo kale howlgallada xigay.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey magaaladaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.