“Qari dad-nimadaada, sugo waqtigaada” (Qaladaadkii ka dhacay Somalia)

Ciwaanka aan u doortay maqaalkaan waxaa maah-maah Shiinays ah oo kumanaan sano jirto. Waxaan isku dayayaa inaan aqristayaasha la wadaago sida ay maahmaahdaan ugu dhaqmeen shiinaysku iyo sida ay ooga qayb qaadatay horumarka uu gaaray dalkoodu. Waxaan sidoo kale bar-bar dhig ku samayn doonaa sida aan inagu midaas lidkeeda ugu dhaqano iyo qaybta ay ku lahayd bur-burki ku yimid dalkeena.

Shiinihu wuxuu hogaanka il-baxnimada aadanaha hayay muddo kumanaan sano ah. Waxaa loo aqoonsanyahay inuu yahay hooyada teknoolajiyada casriga ah.  Waa dadki ugu horeeyay ee sameeyay baruuda qaraxda. Hogaamiyihi shiinaha ee la oran jiray Ming wuxuu isticmalay Kanooni waqtigii u dagaalka kula jiray Mongaalki qarnigii 14aad ee milaadiga.  Aaladaha wax lagu daabaco waxay isticmaalayeen ilaa iyo qarnigii 11aad tasoo u sahashay in la daabaco dhigaal tiro badan waqti yar gudahiis sidaas darteedna makatabado waa-weyn uu wadanku yeesho.

Intaas waxa dheer shiinihu waligiis wuxuu ahaa dadka aduunka ugu badan. Tusaale, shiinaha waxaa ku noolaa 100-130 milyan oo qof qarnigii 15aad halka qaarada yurub oo dhan ay ku noolaayeen 50-55 milyan oo qof.  Si kastaba ha ahaatee shine kama bad-baadin musibooyinka ku dhaco quwadaha aduunka balse wuxuu galay marar kala duwan guumaysi. Kii ugu danbeyay ayaa ahaa mid ay ku qabsadeen dowladaha reer yurub inta badan dalka shiinaha. Mudadii ay reer yurub iyo Jabaanku haysteen shiinaha waxay dhamayd 100 sano waxaana looga yaqaan shiinaha dhexdiisa sanadadihi bah-dilka (years of humiliation).

Markii shiinuhu iska kiciyay heeryadi guumaysiga 1949, wuxuu dhaxlay dal burburay oo aysan meelna u fayoobayn. Wadooyin iyo adeeg bulsho toona aan lahayn. Dhamaan dadkiisu wuxuu noolaa xaalad faqri oo aad u foolxun marki laga reebo cadad yar oo dhiig miirato ahaa. Taywan waxay sheegatay gooni isu taag (ilaa hadana waa sheegataa), Hoonkook waxaa gosytay Ingiriis. Badda koonfureed ee shiinaha waxaa ku qabsaday wadamo badan ilaa hadana ku haysto.Guumaytihi reer Yurub wali waa miciyo lisanayaa wuxuuna isku dayayay inuu wadamo cusub sii qabsado. Maxaa u talo ahaa madaxdi shinaha?

Watigaas shiine wuxuu lahaa ciidan tobonaan kun gaarayo. Dagaal ayuu ku jiray waxayna ahayd waqti dadka lagu qancin karay inuu dib u qabsadaan Taywan iyo Hoonkook. Balse madaxdii shiinihu waxay dabaqeen maah-maahdii ahayd “ha muujin dadnimadaada ee sugo waqtigaada”. Waxay garteen awoodooda, waxay xaqiiqsadeen in hadii ay Taywaan ku duulaan ay la macno tahay inay ku duuleen Maraykanka taasi aysan tabar u hayan. Waxay xooga saareen inay dib u dhisaan dalkooda. Gaajada ka saaraan dadkooda. Raadiyaan sharafkii ka lumay ka dibna watigii ku haboon marki la gaaro ay ka hadlaan waxa ooga maqan banaanka.

Hogaamiyihii muhandiska ahaa ee shiinaha Deng Xiaoping ayaa si joogta u isticmaali jiray maah-maahdaan. Xaqiiqdi siyaasada arimaha dibada ee shiinu dajiyay 1992 waxaa hagaysay soo jeedintiisi ahayd “hoos isu dhig, ha is muujin, hogaan ha qabanin, is badal muuqdo same”. Erayadaan ayaa ah kuwo looga jeeday inti waqtigeeda la gaarayo ha dhex muuqan beesha caalamka, hana ka mid noqon quwadaha ku loolamayo hogaanka aduunka.

Sida shiinihu u hirgaliyay ku dhaqanka maah-maahdaan waxaa laga dheehan karaa hab-dhaqankiisa ku aadan golaha amaanka ee qaramida midoomay. Shiinihu wuxuu ka mid yahay shanta dowladood (maraykanka, Ingiriiska, Faransiis, Ruushka iyo shinaha) ee joogtada ah ee leh codka qayaxan ee diidmada. Balse shiinihi wuxuu isticmaalay codka diidmada labo jeer oo qur ah inti u dhaxaysay 1971-2006 taasoo aad ooga hoosayso inti ay isticmaaleen xubnaha kale. Tusaale, Maraykanku wuxuu isticmaalay diidmada qayaxan 76 jeer inti u dhaxaysay 1971-2006. Shiinihu waa ka aamusahaa arimaha aan sida tooska ah isaga u qusayn si uusan cidna cadow ooga dhigan.

Arintaan waxay shiinaha u suura galisay inuu yeesho saaxiibo badan, aduunkana ugu muuqdo mid dhex-dhexaad ah oo aan cidna fari galin. Waxay sidoo kale u suura galisay in aysan ku mashquulin wadamada ku tartamyo hogaanka aduunka maadaama uu u muuqday in ku egyahay xuduudihiisa.

Siyaasada iyo nimaadka uu ku dhaqmay shiinihu waxay u suura galisay inuu noqdo wadanka labaad ee aduunka ugu dhaqaalaha badan, waxaan la filayaan mudo yar gudaheeda inuu ku noqdo wadanka koobaad xaga dhaqaalaha. Wuxuu horumar baaxad weyn oo dag-dag ah ka sameeyay teknoolijiyada, wax barshada iyo warshadaha. 1987 waxaa faqri ku noolayd 660 milyan oo qof, tiradaas axay usoo dhacday 25 milyan 2013. Waa arin aan horay usoo marin taariikhda aadanaha.

Sidoo kale Shiinihu wuxuu ku biiray wadamada leh maraakiibta badaha quusta ee xambaarsan Nukliyeeka. Wuxuu si fudud ooga hoos kacay dowladihii reer Galbeedka ee aan xisaabta ku darsan in Shiine wax noqon karo. Shaki la’aan maanta shiine waa awood jirto aan sinnaba u qarsoomi Karin, waxaana la gaaray waqtigeedi ay la wareegi lahayd hogaanka aduunla. Waxay loolan kula jirtaa Maraynka inay kala waregto wareegto wadamada Aasiya waxayna horay oogala wareegtay wamada Afrika marki laga eego maal-gashiga iyo ganacsiga.

Si ka duwan tan shiinaha, Soomaalida iyo madaxdooduba waxay jecelyihiin inay is muujiyaan. Waxay ku dadaalaan inay hogaanka u qabtaan labadii ay meel kula kulmaanba. Waxay u dag-dagaan inay qayb ka noqdaan xasaradaha ka jiro aduunka haday quseeyaan iyo hadii kalaba. Si aan kuugu cadeeyo arintaan waxaan ku siin dhowr tusaale oo ka mid ah tobanaan tusaale oo diiwaan gashan.

Kow, Soomaaliya waxay noqotay wadanka kaliya ee Afrikada madow ee diido inuu aqbalo xuduud beenaadki guumaystuhi ka tagay. Sidoo kale waxay noqotay wadanka kaliya ee ka mid ah Afrikada la guumaystay ee aan isticmaalin luuqadihi wadamadii guumaystay.

Labo, soomaaliya waxay hogaan u qabatay raadinti xoriyada wadamadii wali ku jiray gacanta guumaystaha ee Afrika. Tusaale, Qaraarki Muqdishu ee 1971 wuxuu qarriray in xoog lagu xoreeyo wadamada Afrikanka ah ee la guumaysto. Waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in xoriyad dhab ah lagu gaaro kaliya xoog iyo xabad. Qaraarkaan ayaa badalay kii lagu gaaray Lusaaka ee dhigayay in si nabad ah loo baadi goobo xoriyada Afrika.

Arintaan way ka dhabeeyeen madaxdi Soomaalida waxayna xafiisyo wadanka ooga fureen kooxii gobonimo doonka ahaa. Waxay sidoo kale dadaal dheer u galeen in maal iyo mootba lagu taageero jabhadaha dagaalka ku jiro. Madaxda soomaalida ayaa safaro badan u gashay sidii ay cadaadis ugu saari lahayd wadamada reer Galbeedku inay wax ka qabtaan guumaysiga. Tusaale, wasiirki hore arimaha dibada soomaaliya Allaha u raxmadee Cumar Carte Qaalib ayaa safar u aaday dalka Ingiriiska si uu ula kulmo raysul-wasaaraha Ingiriiska. Ujeedka ugu weyn ee safarkaas ayaa ahaa inu Ingriiska wax ka qabto xaalada Zimbabwe iyo Koonfur Afrika oo waqtigaas ku jiray guumaysi fool xun. Cumar Carte wuxuu u sheegay ingiriiska hadii aysan talaabo dag-dag ah qaadin inay Afrika jidka kaliya ee furan uu noqon doono dagaal ba’an oo lagu qaado maamulka guumaystaha. Guumaystaha uu u Cumar Carte u hanjabayo waa Ingiriiska  uu markaas la hadlayo.

Waxaa xusid mudan in tiirarka siyaasada arimaha dibada ee dowladi kacaanku ay mid ahayd taageerida jamhadaha gobo-nimo doonka ee aduunka oo dhan. Siyaasadaan ayaa u muuqato in Soomaaliya ay gumaystaha aduunka ku casuumtay dagaal kaligeed u ah.  Soomaaliya taageero ma aysan siin kaliya jamhadihii afrikaanka ahaa ee waxay taageertay cid walba oo dagaal kula jirtay guumaystihi reer yurub sida kuwii ka dirirayay Kaloombiya, Viitnaam iyo Falastiin.

Sadex, 1976 dagaalki u dhaxeeyay carabta iyo Yuhuuda ee ay yuhuudu ku qabsatay dhul ay Masar lahayd, soomaaliya ma aysan cambaarayn kaliya Yuhuuda ee waxay dadaal dheer u gashay inay ay ku qanciso dhamaan Afrikadi xorta ahayd inay xariirka u jaraan Yuhuuda, arintaasna way ku guulaysatay.

Quwadihi aduunka ka jiray way u cadayd hadii aanan wax laga qaban wadanka isagoo jiro 16 sano kaliya sidaan u dhaqmayo waxa uu fali doono marki uu si wacan u qaan gaaro. Sidaa awgeed waxay ku dadaaleen inay mijo-xaabiyaan hogaanka iyo jiritaanka soomaaliya.

Kuwaasi waa taariikh hore iyo waqti aan xoog lahayn, waxaadse moodaa inaysan waxba iska kaaya badalin xataa hadii aan god ku dhacnay. Hadeer oo uusan codkeenu cidna wax ku tarayn aduunkana aan ka sumcad beelnay, wali waxaan doonaynaa inaan is muujino, dab kasta oo shidana aanu dalaq niraahno.

Tusaale, sanadii hore 2016, soomaaliya oo ay la jiraan 6 wadan oo carbeed ayaa isaga baxay shirki wadamada afrika iyo carabta ee ka socday wadanka Gini. Sababta soomaaliya shirka ooga baxday ayaa ahayd in muujiso inay garab taagantahay wadanka Marooko oo ka carooday joogitaanka koox matalaysay gobalka Saxaraha Galbeed oo ah gobal muddo badan doonayay inay ka go’do Marooko. Ma jirin wadan Afrikaan ah oo aan  soomaaliya ahayn oo taageeray Marooko. Far soo dheeratay!

Sidoo kale, isla sanadkaas Soomaaliya waxay xariirka u jartay Iiraan, sababtoo ah waxaa xariirka u jaray Sacuudi Carabiya. Talow ma geel ba isugu kaaya jiro inaga iyo sacuudi!

Inkastoo talaabada ay qaaday Dowlada Farmaajo ee qusaysay xasarada ka jiryo wadamada Khaliijka ay ahayd mid wanaagsan hadana sida ay dadka Soomaaliyeed iyo war baahinta aduunku ay u buun-buuniyeen arintaas maahayn mid na caawinayso balse waxay noo abuuraysaa cadaawad aan sabab lahayn.

Wararka sheegayo in soomaaliya ay diiday $80 milyan oo sacuudigu ku rabay in ay soomaaluya xariirka u jarto Qatar ayaa lagu daabacay inta badan wargaystayada Afrika iyo kuwa kasoo baxo dalalka islaamka. Arintaas ayaa nagu soo jeedisay indhaha caalamka mar kale, waxayna na saartay yool aanan la joogin waqtigiisi.

Madaxda soomaalida ayaa aad loo buun-buuniyay waxaana laga dhigay xidigo cusub oo usoo ifay afrika. Amaantaan mid la mid ayaa la huwiyay madaxdii kacaan markay xukunka qabsadeen. Balse Kheyre iyo Farmaajo ma ku hodmi doonaan amaanta shucuubta afrikaanka mise waxay noqon doonaan kuwa garto danta dadkooda iyo dalkooda?

Inkastoo inta badan talaabooyinka oo aan kor kusoo xusay la dhihi karo waa kuwa mooraal ahaan la difaaci karo, qaarkoodna ay dalka maslaxo ugu jirtay, hadana way cadahay inaan noqonay duqsigii fuudka  kulul isku tuuray, maslaxada dalkeenana aan ka hor marinay mid dalal kale. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “qofkaan dan tiisa aqoon maro duug ah horteed ayuu dhamaadaa”. Waxaana jiro marar badan oo waxa saxda masladadaada guud darteed looga tago.

Waxaa la joogaa wagtigii aan garan lahayn tabarteena ahmiyada koowaad, labaad iyo sadexaadba aan siin lahayn horumarinta dalkeena iyo dadkeena. Waxaa muhiim ah inaan fahamno inay muhiim tahay in marar badan is-doqomayntu ay ka fiican tahay is muujinta. Sidaa darteed waa inaan ku mashquul nadiifinta guryaheena iyo dhaqida dalkeena inta laga gaarayo waqtiga ku haboon ee aan kor u bixi karno.

Maqaalkaan oo ku qoran af-ingiriis waxaa laga heli karaa: http://www.jowhar.com/2017/06/19/hide-your-brightness-bide-your-time/

W/Q Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com