Qatar oo jawaab kulul kasoo saartay falkii ay kaceen Imaaraadka Carabta

Doha (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta dowladda Qatar  Sheikh Saif bin Ahmed Al-Thani, ayaa sheegay in Imaaraadka ay ku kaceen fal dambi ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah kadib markii ay jabsadeen wakaaladda wararka Qatar.

“Qatar waxa ay muddo sheegeysay in wakaaladda warraka dowladda la jabsaday 24-kii May, laguna daabacay hadallo been abuur ah oo loo nisbeeyey amiirka” ayuu yiri Sheikh Saif bin Ahmed Al-Thani.

Waxa uu sheegay in warbixinta sirdoonka Mareykanka ee lagu daabacay wargeyska Washington Post ee ah in Imaaraadka ay ka dambeeyeen arrintan ay caddeyn u tahay inay ku kaceen fal dambiyeed.

“Waxaa wax aad looga naxo ah in falkan burcadnimo uu ku kacay dal nagala tirsan golaha iskaashiga khaliijka” ayuu yiri.

“Falkan dambiyeed wuxuu xadgudub cad ku yahay xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada ay wada galeen dalalka xubnaha ka ah iskaashiga khaliijka, ururka Jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka. Waxaan qaadi doonaa tallaabo aan caddaaladda ku horkeeno kuwii ka dambeeyey dambigan”ayuu yiri.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday shalay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeysay afduubkii Internet ee lagu sameeyey hay’adaha warbaahinta dowladda Qatar ee dhaliyey xiisadda ka aloolsan gacanka Carbeed.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xiriirka loo jaro Qatar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com