Qiimaha lagu xajinayo sanadkaan iyo Liiska shirkadaha xujeyda qaadi doono oo lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga kala saaridda Xamlooyinka usoo tartamay fulinta adeegga Xajka oo ay magacowday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saaray Qiimaha Sanadkaan lagu xajin doono iyo shirkadaha adeegaas qaban doono.

Guddiga ayaa ugu horeyn sheegay in sanadkaan lagu xajin doono lacag gaareysp 3600 Dollar, halka Xajka VIP-ga uu noqon doono qiimo ahaan 5000 Dollar ugu badnaan.

Guddiga ayaa uga digay shirkadaha Adeegaan qaban doono inay lacag intaas ka badan ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee doonayo inay tagaan beydka Alle.

Guddiga ayaa sheegay in Sanadkaan Soomaaliya loo ogolaaday inay u xajiso illaa 11500 Xaaji.

Sidoo kale Guddiga ayaa soo saaray Liiska Shirkadaha sanadkaan fulin doono adeegga Xajka, wuxuuna guddiga sheegay inay adeegaan usoo tartameen ilaa 84 Shirkadood.

Guddiga ayaa sheegay kala saarid kadib inay guuleysteen ilaa 58 Shirkadood oo sanadkaan u adeegi doono xujeyda Soomaaliyeed.

Guddigga ayaa tilmaamay inaysan wax faragelin ah la kulmin intii ay wadeen howshaan kala saaridda Shirkadaha soo socdo fulinta Adeegga xajka sanadkaan 2019.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada Shirkadaha

Shirkadaha B

  • Daalo Airles
  1. Jubbala Air

Shirkadah T)

  1. Freedom
  2. Carafaat
  3. Jowhar
  4. Rixla Mubaaraka

Shirkadaha J

Ocean

Africa Express

Air Jubati

Darmar travel

Hogal traver

Rudwaan

Shirkadaha X

Daruuro

Shikradha KH:

Saaj Travel

Makka Travel

New Star

Answer travel

SPD

Safarri Trave;l

Shirkadda D

  1. Makka Al-Mukaram
  2. Karaama
  3. Kalkar
  4. Manaasik Travel
  5. Royal Som
  6. Barayt
  7. Al-Huda Travel Hajj and UImra
  8. Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra
  9. Falalcadde

Shirkadah S”

  1. Dahala Airles
  2. Al- Rayan
  3. Federal
  4. Eurie Africa
  5. Somali travel
  6. Teyseer
  7. Labeyk
  8. Qudus
  9. University
  10. Salam Hajj and Umra
  11. Universal
  12. Al-Saqar
  13. Al-ixsaan
  14. Al- Hijra Travel
  15. Cibaar Travel
  16. AL-Hijra Air
  17. Ritaaj
  18. Hiiliye
  19. Isfalaash
  20. Salam Travel
  21. Mustaqbal
  22. Anfaal
  23. National Airways
  24. Abmooja Travel
  25. Save Way
  26. Travel Express
  27. Key way
  28. Ruksan
  29. Hubaal
  30. Daymond

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com