QM oo loo gudbiyey qoraal la xiriira dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Pan African David Matsanga ayaa u gudbiyey xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay qoraal xasaasi ah oo la xiriira dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee hortaalla maxkamadda ICJ.

David Matsanga ayaa ka dalbaday Antonio Guterres inuu u hor-istaago go’aanka maxkamadda cadaaladda ICJ ee dhageysiga dacwadda badda ee labada dal.

Guddoomiyaha Madasha Pan African ayaa sidoo kale ugu baaqay xoghayaha Qaramada Midoobay inuu u istaago baajinta dhageysiga dacwaddaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay habboon tahay in dib loo dhigo dacwadda ka furan ICJ, si looga fogaado wax kasta oo sababi kara inay kasii daraan qalalaasaha & xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jira dalalka dhaca Geeska Afrika.

“Mudane Xoghaye guud waxa aan aaminsanahay marwaliba go’aanka sharciga ah ee muranka xuduud badeedda, balse waa u dagaal & isku dhaca geeska waxaana weli taagan Colaadda Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Matsanga.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Kenya ay ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga kiiska badda, kadib markii ay ku gacan seertay ICJ.

Kenya ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya, iyada dhinac kasta ka tuseysa Qaramada Midoobay.