QM oo soo rogtay amar ka dhan ah maqaayad ku taal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa looga isticmaalka iyo wax ka cunista maqaayadda The Village ee ku taala agagaarka garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha ayaa looga digay inay istcmaalaan maqaayaddaasi ilaa amar dambe sida lagu sheegay fariimo loo diray shaqaalaha Qaramada Midoobay, waxaana sidoo kale lagu wargaliyay inaysan xitaa nasasho u tagin maqaayaddaas.

Maqaayadda The Village ayaa marar hore waxay waxyeello kasoo gaartay qaraxyo ka dhacay dhinaca albaabka Madiino Gate, wuxuuna guddi dhinaca amniga oo ka tirsan Qaramada Midoobay sheegay in xog ururin uu sameeyay oo dhinaca amniga ah ay jiraan qatarro amni.

Qaraxyadii dhoowr jeer oo hore ka dhacay agagaarka garoonka Adan Cade ayaa markii laga soo tago maqaayadda The Village waxyeello u geeystay qeeybo kamid ah garoonka Adan Cade.

Dad farabadan ayaa isweeydiinaya sababta iminka Qaramada Midoobay ay shaqaaleheeda uga digtay maqaayadda The Village oo ku taala dhinaca Xalane oo ah goob aad loo ilaaliyo ammaankeeda iyadoo sidoo kale ay halkaasi ku yaalaan maqaayado iyo hoteello ay leeyihiin dad ajaaniib ah balse Qaramada Midoobay aysan ku darin liiska maqaayadaha ajaaniibta kuwo wajihi kara khatarta amni.

Fasiraado kala duwan ayaa kasoo baxaya tallaabada Qaramada Midoobay ay shaqaaleheeda uga mamnuucday maqaayadda The Village oo kaliyah oo ah maqaayadda kaliyah ee ay Somalida leedahay ee ku taala garoonka Adan Cade, waxayna arrintaan u muuqataa dagaal farsameeysan oo lagula jiro maqaayadda The Village.