Qofna wuxuusan haysan ma baxsho

Waa maalin colaadu ay kow ahayd, maalin madow, maalin wixii dhacayay ninna uusan saadaalin karayn waxay noqonayso ciribtoodu! Waxay ahayd maalin murugada iyo dhiillada ay xambaarsantahay ay ka muuqatay in is-bedel ku dhici doon nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan,waxayna dhibaatada aad uga muuqatay dadka maxasta ah  sida waayeelka, caruurta iyo weliba dumarka. Waa maalintii uu qarxay dagaalkii burburiyay wadankeenii bilicda iyo nabadda astaanta u ahaa!                    

Dagaalku, wuxuu ahaa musiibo rabaani ah oo qornayd waxaase xaqiiq ah inuu Allah wax badan nooga naxariistay oo hadaan sidii aan u dambi badnayn  naloo abaal marin lahaa cidna kama badbaadeen ciqaabta Allah laakiin In badan buu Alle noo saamaxaa.

Dhibta wadanka ka dhacday waxay qaybta ugu weyni  ku habsatay dumarka oo iyagu u nugul, murugada iyo walwalka colaadahii dhacayna ay meel walba ka hareeyeen, maadaama ay qoysna u dhalatay midna ay u dhaxday

31 Sano maalinkaas ka dib waxaa wali si is dabo joog ah u yeeraya baroorta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay sababeen inteeda badan duulka rag la yiri, mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdo iyo wixii kale ee laysu ahaadaba. DHibta dumarka gaartay waa mid aan la soo koobi karin oo noocyo badan waxaase ugu weyn sida marar badan la tilmaamo oo la wada ogyahay wax-barashada haweenka Soomaaliyeed oo mar kasta ahayd mid aan la siin mudnaantii ay lahayd, marka la garab dhigo dadaalka aalaaba la siin jiray wiilasha, iyadoo ay markii horaba taas jirtay baa haddana markii uu burburka yimid hakadkkii galay waxbarshada sababay inay la kulmaan  dhibaatooyin badan sida shaqo aan ku haboonayn oo ay la daalaa dhacaan,iyo in hoos loo fiiriyo ama la liido taas oo  kaga timaada dadyowga dalalka ay maganta soo bideen, sidaasooo kalana ragga ay u dhaxaan intooda aan xil-kaska ahayn iyo mararka qaarkood caruurta ay hooyada u yihiin oo aan iyagana garanayn qadariinta ay hooyadood mudantahay waxaana arrinta sii bari-taaray dhaqammada dalalka la yimid oo wax badan oo ka mid ah mudnaantii waalidka (Aabbe iyo Hooyaba) luntay…cajiib!.Markii qurbaha la yimid dadku waa qaybsamay ina-rag badidiis wuxuu u dhaqaaqay; shaqo ama wax barasho, qaybna noloshaa ka adkaatay oo u talisay oo naftoodiiba wax ma tarin tu kalana iskaba daa.

Siday hooyo tahay ama ahaan jirtayba dumarkii waxay u qalab qaateen korintii, iyo ababintii dhallaanka, iyo inay daboolaan baahida ilmaha yar iyadoo aaminsan  inay iyadu tahay aabo iyo hooyo maadaama aan ragga intooda badan la heleyn xiligii loo baahdo oo ay badankood la tahay inay shaqada ilmuhu hooyada ku gaar tahay sidii markii  wadankii la joogay oo xitaa ciiddu caawinaysay hooyada. Waxaa iyadana xusid mudan in baahida guriga taal si dakhli iyo masaariif loo helo ay qasab ka dhigtay in rag badan ay guntiga u adkeystaan inay soo shaqeeyaan oo waqtigoodii badankiisa ay ku qaataan goobaha shaqada si ay u daboolaan baahida iyo adeegyada guriga laga rabo.

Arintaasi waxay keentay dib u dhac ku yimaada horumarka hooyada Soomaaliyeed, waxayna saartay oo ku rartay culays baaxad weyn oo nololeed, waana midda keentay inay soo bataan dumarka isku buuqaya oo mararka qaarkood gaara heer khatar ah. Waxaa iyadana sare u kacay tirada hooyooyinka qurbaha ku nool ee ay ku dhaceen cudurrada dhimirka taasoo inta badan lala xiriiriyo dhibaatooyin xagga nolosha guriga iyo maamulka iyo ka war qabka ilmaha ka haysta isla markaasna aan wax kaalmo ah ka heleyn aabbihii ilmaha dhalay oo waliba mararka qaarkood ay dhici karto inuu gacan bannaanyahay. Meelaha qaarkoodna xaaladuhu waxay gaaraan heer ay hooyadu waxyeeleyso nafteeda ama nafta ilmaheeda yar. 

Sidaa aawadeed, dumarku dhib kastaba waa soo mareen , waxaase maanta la soo gaaray waqtigii ay raggu ka garaabi lahaayeen culeyska ay ku keli yeeleen dumarka, taasoo macnaheedu yahay inay ku garab istaagaan inay wax bartaan si aan u helno qoys caafimaad qaba oo aqoon leh ragooda iyo dumarkoodana ay door ka qaadan karaan horumarinta iyo dhismaha ummaddooda. Si taas loo gaaro ama ay u dhaqan gashana waxaa loo baahanyahay in nin walba (Ragga) uu marka hore saxo wixii horay uga khaldamay isagoo ka bilaabay inuu xaaskiisa iyo gabdhaha uu isaga dhalay ku dhiiri geliyo wax-barashada si ay u soo saaraan berri ayaguna awlaad wax baratay oo dhisa mustaqbalka dalkeenii quruxda badnaa, badbaadiyana jiilalka soo socda.

Rasuulku SCW wuxuu ku yiri xadith macnihiisuna ahaa; “qof kasta wax baa la raacshay oo loo diray waana la weydiin doonaa wixii loo diray ee la raacshay.”

Markaa qof walba ha diyaarsho su’aasha jawaabteeda khaasatan ragga. 

Nabigu SCW wuxuu yiri waxaa idiinku khayr badan kan reerkiisa u khayr falid  badan aniguna waxaan ahay kan reerkiisa u khayr fala.

Wuxuu kaloo yiri SCW waxaa dumarka karaameeya ninka kariimka ah, waxaana dhiba kan la’iimka ah amba ardaalka.

Mar mar baan idiin cudur daaraa oo waxaan soo xasuustaa maahmaahdii carbeed oo macnaheeduna ahaa,  qofna wuxuusan haysan ma baxsho.

Macnaha nin aan isba jacayl ku soo korin oo aan la soo koolkoolin loogama fadhiyo isna inuu wax koolkooliyo  laakiin bal koolkoolintu ha danbeeysee waajibaadka ay ugu horeeyso wax barida dumarka ku dadaala, oo saxa wixii horay u khaldamay oo bal isku daya inaad suubanaha ku dayataan suu uladhaqmi  jiray reerkiisa iyo dhamaan mujtamacii loo soo diray waayo Rassuulka SCW waxaa noogu sugan ku dayasho. 

Waxan ku soo koobayaa Aqoon la’aan waa iftiin la’aan! Isku meelna ma joogaan mutacalinka iyo jaahilku waxaana u horeeya aqoonta diinta ka dibna tan maadiga ah waayo qof aan aqoon Allihii abuuray, amba aan kala aqoon xaaraan iyo xalaal amba aysan macnaba ugu fadhiyon diintu asna waa lumay kuwa uu gacanta ku hayana wuu lumin doonaa.Sidaa darteed cilmiga xaawaleydu waa muhiim waana badbaadiyaha ummadda ee yaan loo kala harin oo xasuusta dumarku agtiina waa ku qafaalan yihiin ee u fududeeya inay wax bartaan oo weliba ku garab istaaga kuna dhiiri galiya adinkoo Allahna ku raali galinaaya ubadkiinana u hiilinaaya si aan berri loo bahdilin dalkooda iyo diintoodana u difaacaan khaasatan hablaha.

Ninkii gabar wax bara wuxuu wax baray ummad sababtoo ah gabadhu waa barre ama waa ababiye bulsho.

DHAMAAD

WQ: Yaasmiin M A sooyaan
Caaliyatulhima@gmail.com