Qorshaha fog ee Imaaraadku ka leeyahay codsigii uu u gudbiyey DF ee lasoo diiday

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dabayaaqadii Bishii June, Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya weydiistay in ay ka qeyb-gasho dagaalka Yemen iyadoo ku badalaneysa dhaqaale iyo in dib loo furo Isbitaalka Sheikh Zayed ee ku yaalla magaaladda Muqdisho, taasi oo Soomaaliya ay diiday.

Diidmadda Soomaaliya waxaa sabab u ahaa xiriirka u dhexeeya Abu Dhabi iyo Muqdisho oo waayihii dambe xumaa.

Hadaba, maxay tahay sababta uu Imaaraadku arrintaas uu Soomaaliya ugu soo bandhigay? Jawaabtu waxay u baahantahay in la eego istiraatiijiyadda mudada dheer ka sokoow geesinimadda dagaalka ee militariga Soomaaliya.

Arrin aad wax looga qoray ayaa ah in Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay hoos uga dhaceen maqaamkii ahaa ciidanka ugu woodda badnaa Geeska Africa, oo ay sanado ka hor ahaayeen. Waxaa socda dadaallo la doonayo in dib loogu soo celiyo militarigii waddanka iyadoo la raacayo Qorshaha amniga Qaranka.

Tababar tayadiisu sarreyso oo ay bixiyaan Maraykanka iyo Midowga Africa iyo dalal kale ayaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya u ogolaaday in ay guulo muhiim ah ka gaaraan Al-Shabaab, guulahaas oo ay ka mid tahay dib u qabsashada magaalooyin iyo tuulooyin.

Si kastaba, ciidanka Soomaaliya wax badan ma awoodaan haddii uusan Maraykanku siineyn sirdoonka iyo saanadda marka ay qaadaan howlgaladda gaarka ah. Warbixin uu dhowaan soo saaray Pantgon-ka Maraykanka ayaa lagu sheegay in uu liito horumarka howgalkii badbaado ee militariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ay ku doonayeen in ay Al-Shabaab uga qabsadaan deegaanadda koofureed.

Xiriir kala go’ay

Badownimo ayey noqon doontaa haddii lasoo qaado in Imaaraadka Carabtu uusan ogeyn xaaladda ay hadda ku sugan yihiin Ciidanka Soomaaliya iyo awoodda yar ee ay wax uga qaban karaan colaadda Yemen.

Tani waxay sidoo kale kaalmo bani’aadanimo u fidineysaa muhaajiriinta Soomaalida ah ee laga qabto inta u dhexeysa dhinacyada dagaalamaya ee Yemen islamarkaana ku ay xad gudbaan kuwa gacanta ku haya. Imaaraadku arrintaas si fiican ayuu u ogyahay sababtoo ah ka kor intii aysan bilaaban xasaradda Gacanka bartamihii 2017-kii, waxaa uu taageero weyn siin jiray ciidanka militariga Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii, Imaaraadku waxay billaabeen barnaamij ay ku tababarayeen ciidanka Soomaalida. Heshiiskaasi waxaa uu dhamaaday markii ay Muqdisho diiday in ay ka qayb qaadato go’doomintii Qatar. Arrintu waxay cirka isku-shareertay markii ay Soomaaliya qabatay $9.6 million bishii April 2018-kii taasi oo ay siday diyaarad ka timid Imaaraadka. Ka sokoow sheegashadii Imaaraadka ee ahaa in ay lacagta mushaar u siinayaan ciidanka, Muqdisho waxay tuhuntay in lacagtaas loo adeegsan lahaa dano qarsoodi ah.

La kulan mucaaradka Soomaaliya

Abu Dhabi way ogtahay awood yarida ciidanka Soomaaliya, waxay sidoo kale ogeyd in codsigeedii ahaa in Muqdisho ay ku lug yeelato coladda Yemen lasoo diidi doono. Kas okoow walaalnimadda Soomaaliya kala dhexeeysa deriskeeda Gacanka Caden, hadana arrintaasi waxaa ay muujineeysa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya kala dhexeeya labo dal oo aad uga soo hor jeeda Imaaraadka.

Si kasta, taasi waxay is bedeli kartaa marka wadanku uu joogo meel uu isagu qabsan karo doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa Madaxtooyadda.

Farmaajo iyo xisbigiisa, mucaaradkooda ugu weyn waxaa uu u muuqdaa Madasha Xisbiyada Qaran. Waxaa la sameeyay sanadkii 2019, bsihii November, waxaana xulifada ku mideysan lix xisbi siyaasadeed kuwaas oo sheegay in ay kasoo horjeedaan ku xad gudubka dastuurka iyo shuuruucda kale ee ay wado Dowladda hadda talada heysa.

Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyadda Qaran waxaa ka mid ah laba Madaxweyne oo kala ah Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Labaduba xiriir fiican lama lahan Qatar.

Kadib markii loo doortay Dowladdii ku meel gaarka ahayd, Dooxa waxay Sheekh Shariif ku boorisay in uu wadahadal la furo Al-Shabaab, Sheekh Shariif ayaa isla waqtigaas waxaa uu Qatar ku eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab.

Ka sokoow maal-gelintii doorashaddii Xasan Sheekh ee sanadkii 2012-kii, Doxa waxay lumisay dulqaadkii ay u lahd Dowladiisa iyadoo ku eedeysay in uusan u fir-fircooneyn sida kuwii ka horreeyay.

Imaaraadka iyo dalalka kale ee ay ku mideysan yihiin go’doominta Qatar waxaa ay xiriir la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa mucaaradka si ay u taageeraan marka doorashadda la garo. Madasha Xisbiyadda Qaran waxay u dagaalami doonaan in ay doorashadda ku guuleystaan si ay u fuliyaan codsiga Imaaraadka.

Sida ay sheegeyso Xarunta Siyaasadda Imaaraadka, haddii mucaaradku ay ku guul darreystaan in ay ku midoobaan hal Musharax, taasi waxay awoodda ku siiheyneysaa Madaxweyne Farmaajo.

Hase yeeshee, haddii ay hal musharax ku midoobaan una ku guuleystaan doorashada ayada oo Imaaraadka uu taageerayo, waxay Imaaraadka Carabtu heli doonaan maamul ay ku abaal sheegan karaan, waxaana ujeedka codsigooda ku aadan dagaalak Yemen uu yahay mid ku socda maamulka iman doono ee ma ahan mid hadda wax dan ah laga leeyahay.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid