Qorshaha wasiirada cusub ee R/W CC oo XASAN SHEEKH u cuntami waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan BF Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu wado qorsho cusub uu ku doonaayo inuu uga fogaado eedeymaha BF, balse aan raali galin doonin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha uu rabo in Wasiirada iyo Wasiiru dowlayaasha uu soo magacaabayo uu kusoo daro Siyaasiyiintii la shaqeeyay Xukuumadihii AUN C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed, oo aan xiligaani xilal ka heynin DF Somalia.

Inkasta oo weli aynan helin magacyada, haddana waxaa la sheegay inay xukuumadda cusub kasoo dhex muuqan doonaan shaqsiyaad caan ah.

Qorshahaani ayaa waxaa la sheegayaa inuusan raali ka ahayn Madaxweynaha Jamhuuriyada oo xusul duub ugu jira sidii uu wasiiro bdan ugu dhex yelan lahaa xukuumadda cusub.

Madaxweynaha ayaa ka biyo diidan in xukuumada cusub lagu soo daro Siyaasiyiin la soo shaqeeyay Dowladihii KMG ahaa, waxa uuna taasi badelkeeda doonayaa in Xukuumada cusub lagu soo biiriyo dad isaga uu wato oo qaarkood ku cusub siyaasadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com