R/W Kheyre oo Puntland siiyey amar la xiriira inay…

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo maxaabiis badan oo ku xiran xabsiyada Puntland.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa amarkaasi bixiyay xili uu magaalada Garoowe shir ugu qabtay Wasiirada Xukuumada Somalia iyo kuwa maamulka Puntland.

Kheyre ayaa arrinta deysmada maxaabiista u xil saaray ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa sheegay in Khayre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxda Puntland.

Wasiir Daahir waxa uu tilmaamay in maxaabiista lasii deyn doono ee uu amray Ra’isul wasaare Kheyre ay yihiin kuwo ku xiran Xabsiga Garoowe, kuwaa oo u xiran danbiyo aan sidaa usii weyneen.

Wasiirka Warfafinta ayaa yiri “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin dhalinyaro si maalayacni iyo danbiyo la’aan loogu xiro Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com