Rabshado ka dhacay qabuuro lagu aasayey dadkii ku dhintay dibad-baxyadii Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta rabshado horleh ay ka dhaceen Qabuuraha Halleeya oo lagu aasayey saddexdii qof ee ku dhintay dibad-baxii 11-kii buishaan ka dhacay magaalada Hargeysa.

Rabshadaha ayaa ka dhashay kadib markii ay dadweyne careysayn weerareen wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Saciid Sulub oo tegay goobta aaska ee marxuumiinta.

Wararka ayaa sheegaya in dadka careysan oo u badnaa ehellada dadkii dhintay ay dhagxaan iyo gacan ka hadal isugu dareen wasiir Saciid Sulub iyo dad kale oo la socday.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku sii daraya in kadib ay xaaladdu faraha ka baxday, taas oo keentay inay rasaas adeegsadaan ciidanka ilaalada ee wasiirka, balse ma jiro khasaare ka dhashay, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa Qabuuraha.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana markii dambe arrinta fara-geliyey odayaasha dhaqanka oo ku guuleystay inay dajiyaan xiisadda, waxaana sidaas lagu aasay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhashay dibad-baxii maalmo kahor ka dhacay caasimada Hargeysa.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale si nabad ah goobta looga amba-bixiyey, kadib markii ay xaaladda dajiyeen odayaasha dhaqanka ee ku sugnaa goobta.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada maamulkaas oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Sikastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxayna mucaaradka weli wadaan dibad-baxooda, halka ay xukuumaddana adeegsaneyso ciidamada ammaanka, si ay uga hortegto rabshadaha ka socda halkaasi.