Raddin Shubaha: Muxuu Nebiga NNKH u guursaday Zaynab Bint Jaxshi RC?

RADDIN SHUBAHAT- (Muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u guursaday Zaynab bint Jaxshi)?

Qormadani waa silsiladda labaad ee raddinta shubahada umadda caamada ahi lagu marin habaabiyay, waana cashar ku wajahan cid kastoo ka shakida Nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH).
Qormooyinkan raddinta ahi ee taxanaha ah, waxaa u sabab ahaa inaan qoro qoraal aad u dheer oo uu iisoo direy nin siduu sheegtay riddoobay, misna taagan diinta Islaamka ma ahan diin xaq ah, Nebi Muxammadna (NNKH) ma ahan nebi xaq ah oo run  ah. Wax waliba waxay u baahan yahiin sabab. Wixii aan ku idhaahda maanta waa caddaan, haddii aad i tiraahda waa madow waxay u baahan yahiin sabab. Ninkani wuxuu sheegey sababo dhowr ah oo uu u leeyahay Muxammad (NNKH) ma noqon kara Nebi. Sababahaasi waxaa kamid ahaa oraahdan hoose oo aynu maanta ciwaanka kusoo qaadan doonna, si uu uga faa’iideysta casharkan isaga iyo inta lamidka ahina ay u fahmaan in  lasoo sirey ama lasoo khalday.
e. ”Wiilkii uu isagu soo korsday Zayd ibn Harithah ayuu Maxamad ku amray inuu naagtiisa furo si uu asagu Maxamad ahaan u guursado gabadhaas oo lagu magacaabi jiray Zaynab bint Jahsh (Quran: Surah 33: 36-38)”.

Wuxuu oranayaa ninkani (magaciisa kusheegey Hassan Colhaye), nebi Muxammad (NNKH) wiilkii uu soo korsaday (Zayd bin Xaaritha bin Shuraxbiil) ayuu amray inuu fura xaaskiisii (Zaynab bint Jaxshi), si uu isaga u guursado. Waa caqli liita runtii fikirka ninkani iyo waxa loosoo aqriyey.

Munaafiqiintii Madiinah iyo gaaladii Qureesheed ayaa horey nebi Muxammad (NNKH) ugu durtay arrinka guurka Zaynab, laakiin way u meel mari weyday. Waxyaabahii ay gaalada iyo Munaafiqiintu ku daacayadeynayeen arrinkakasina ma ahayn waxa uu ninkan maanta ku dacaayadeynaya, balse waxay ahayd in Zayd bin Xaaritha markuu furey kadib uu nebi Muxammad (NNKH) guursaday Zaynab, taasoo Carabta agteeda ceeb ka ahayd, in wiil aad soo korsatay gabadhuu fura aad adigu guursata. Waxaanay kasoo qaadi jireen wiilkaasi inuu yahay sida wiilkooda oo kale.
Marna ma dhicin inay gaaladaasi iyo munaafiqiintuba ay ku tuhmeen Nebi Muxammad (NNKH) inuu amray Zayd inuu fura Zaynab oo uu guursada isaga, taasu ma ahayn wixii lagu dacaayadeeyay Nebi Muxammad (NNKH) waayo way ogaayeen inaanay sidaasi ka suurtoobeynin arrinkuna aanu ahayn qaabkaasi, laakiin arrinta ay la yaabeen ee aad adigu ku kadsoontay ayaa ahaa caada cusub oo ah in wiilka aad ka wiil dhigatay gabadhuu fura inaad guursan karto.
Hadda waxaa habboonaan lahayd marka hore inaad ogaato shaqsiyadda Zaynab kadibna aad is weydiisa guurka siduu ku yimid. Ma ahaa mid uu Nebi Muxammad (NNKH) doortay guurkaasi mise wuxuu ahaa mid Alle amray? Sababtu maxay ahayd?
Zaynab waxaa dhashay nebiga (NNKH) eeddadiis la dhalatay aabbahiis. Nebiga (NNKH) awoowgiis Cabdimutallib wuxuu guursaday haween dhowr ah, waxayna u kala dhaleen 10 wiil iyo 6 gabdhood. Lixdaasi gabdhood ee nebiga (NNKH) eeddooyinkiisa ahi Safiyah uun mooyaane shanta kale oo la kala oran jirey Ummu  Xakiim Baydaa, Arwaa, Barrah, Umaymah iyo Caatikah waxay ahaayeen isku hooyo, waxayna la hooyo ahaayeen nebiga (NNKH) aabbahiis Cabdillaahi iyo adeerradiis Zubayr iyo Abii Taalib, waxaana dhammaantood dhashay gabadh reer banii Makhzuum ahayd (reerka uu ka dhashay Abii Jahal) oo la oran jirey Faatimah bint Camr ibnu Caa’id bin Cimraan Al Makhzuumiyah.
Zaynabta aad u jeedda waxaa dhashay nebiga (NNKH) eeddadiis la hooyo iyo la aabba ah, oo la oran jirey Umaymah bint Cabdel mutalleb, waxay ku dhalatay magaallada Makka Al Mukarramah, ee uu kudhashay nebi Muxammad (NNKH), guriga ay ku dhalatay waxba kama fogeyn guriga uu kudhashay nebiga (NNKH), isku meel ayayna kuwada noolaan jireen. Wuxuu arki jirey Zaynab oo yar oo hortiisa ku ciyaaraysa, sida uu u awoodi karay inuu Zaynab guursadana ma jirin haweeney kale oo xaasaskisa kamida oo uu u awooday. Gabadha sidaas ugu dhaweyd nebiga (NNKH) wax dan ah kama gelin, jeer uu markii dambe u guuriyey wiilkii uu soo korsaday. Haddii Muxammad (NNKH) uu damci lahaa guurka Zaynab, uma aanu guurin lahayn Zayd, ee asagaa guursan lahaa. Haddii uu nebi Muxammad (NNKH) marna ku fekerey inuu guursada Zaynab intuu Makka joogay buu guursan lahaa umuuna guuriyeen Zayd.
Yaa amray Zayd inuu furo Zaynab?
Zayd wuxuu ahaa kuray yar oo uu soo korsaday Nebigu, aadna uu u jeclaa, wuxuuna u guuriyey gabadhii eeddadiis Umaymah ay dhashay ee Zaynab. Waxaa caado ahayd Carabta dhexdeeda addoomadu inaanay guursan karin hablaha ay u yaqaanaan kufka, ee hooyooyinkooda ama aabbayaashoodu midkood yahiin Qureeshta, Zaynabna hooyadeed waxay ahayd dadkii ugu nasab fiicnaa Qureeshta (reer Haashim). Sidaa daraaddeed guurkoodii looma aayin, dhibaatooyin badan baana ka dhex dhici jirey ayada iyo Zayd.
Siiradu waxay qoreysaa in Zayd uu u tegey Nebiga (NNKH) oo uu ku yiri Zaynab lama noolaan kara, waan iska furayaa, markaasuu Nebi (NNKH) arrintaasi aad uga murugooday, oo mar kale ku amray inaanu furin xaaskiisa oo uu ceshta. Xaaladdaasi markay soo noqnoqotay Zaydna uu u adkeysan la’yahay Nebiguna uu amraya mar walba inuuna iska furin oo xajiska xaaskiisa, baa Zayd uu furey Zaynab, markaas bay soo degeen aayadahan qiimaha badan ee ka warramaya dhacdadaasi. Zaydna waxaa karaama iyo qiima ugu fillaaday inuu noqday saxaabiga kaliya ee magaciisa lagu xusay Quraan la akhrinaya tan iyo maalinta Qiyaamaha oo ah hadalkii Ilaahay ee xaggiisa ka yimid.
Waa kuwan aayadda
(Xusuuso) markaad ku lahayd kii Alle u nimceeyay, ee aad aduguna u nimceysay(Muxammadoow!! ”NNKH”) haysa xaaskaaga, Allana ka cabsa, naftaadana aad ku qarineysay wax Alle muujinaya oo aad ka cabsanaysid (yacni ka xishooneysid) dadka, Alle baana mudan in laga cabsada (oo lagana xishooda), markuu Zayd dantiisii ka dhammaystayna (oo ay is fureen isaga iyo Zaynab) baan kuu guurinnay si ayan wax dhiba u ahaanin mu’miniinta (hadday guursanayaan) haweenka ay furaan kuwa ay wiilasha ka dhigteen (ee aanan wiilashooda ahayn), amarka Ilaahayna waa midkii la fuliya”. Al Axzaab: 37d
Xikmaddee baa ka dambeysay inuu Zayd fura Zaynab, maxaana loo amray inuu Nebi Muxammad (NNKH) guursada iyada?
Xikmaddaasu waa caddahay sida ka muuqata aayaddan, waxayna ahayd in lagu tirtira caada jaahili jiri jirtay, oo ahayd in wiil aad soo korsatay aad ka dhigato sida wiilkaada oo kale, taasoo xaqiiqda ka fog. Sidoo kale kudhaxlaya oo aanan guursan karin gabdhahaada iwm. Sidoo kale aadan guursan karin gabadh uu furay wiilkaasi, si caadadaasi loo tirtira baa lagu tir tiray arrinkaasi tusaalihii umadda (waa Nebiga ”NNKH”). Sidii bayna arrintii noqotay oo Carabta dhexdeeda maalintaas baa ugu dambeysay caadadaasi, xataa kuwii aanan markaasi Islaamin ayaa u riyaaqay arrinka uu amraya Quraanka, sidaas bayna arrini ku dambeysay.
Ilmaha lasoo korsaday oo laga dhiga sida ilma aad dhashay oo kale oo ku dhaxla adna aad dhaxashaahi reebiddeeda ayuu Ilaahay ku fur furtay horraanta suuradda Al Axzaab ee ay ku jiraan aayadaha kawarramaya xaadisadii guurka Zaynab. Sidaa darteed baa arrinta ay suuraddu ku furfuratay si loo waadixiya dhowr iyo soddon aayadood kadib billawgeeda wuxuu Ilaahay ku boqna jaray caadada ku dhex raagtay umadda ee ay ka diin dhigtaan. Maantana Ilaahay amarkiis dunida Muslimka iyo cidda aanan Muslimka ahaynba caadadaasi way ka suushay Alle mahaddiis, waana halka ay aayaddu dhammaadkeeda ka oranaysa ”Amarka Ilaahayna waa midkii la fuliya”. Al Axzaab: 37d.
Subxanallaah!! minaayba mucjiso ahayn qeybta dambe ee aayadda ugu dambeysa, waayo waxay oranaysaa arrin Carabta ku weyneed oo agtooda caado qadiim ah ka ahayd baa Quraanku wuxuu oranayaa Alle baa amraya in caadadaas la dabarjara oo misna oranaya ”Amarka Ilaahayna waa midkii la fuliya”.
Waa rumowday arrintaasi oo caadadii maalintaas baa ugu dambeysay geyigaas, oo waa dabar go’day siduu Quraanka ku goodinaya. Haddii marka uu Quraankani meel kale oo aanan Alle agtiisa ahayn, ma xaqiiqa sidaas u weyn ayuu keeni kari lahaa?
Maxay tahay marka waxa aad ku liideysa oo aad u oranaysa Muxammad (NNKH) wuxuu guursaday gabadhii wiilka uu soo korsaday, sidaa daraadeed maahan nebi? Nebi miyaanu guursan karin gabadha wiilka uu soo korsaday? Haddii aad tiraahda asagaa amray Zayd inuu fura Zaynab si uu u guursada, waxaan ku oranayaa waa beentaa, waayo aayadaha aad numberadooda soo qortay ee suuradda Axzaab ku jirta sida aad tiri si aanan ahayn bay oranayaan. Ma oranayaan inuu Nebigu (NNKH) amray Zayd inuu fura Zaynab, laakiin aayadahaasi waxay tilmaamayaan in nebigu (NNKH) uu arrinkaasi kasoo horjeeday oo xataa uu ka cabsi qabay in dadku ay kula yaabaan.
Haddaba waxaan kuweydiiyey Hassanoow!! xaggee baad ka keentay warka ah Nebiga (NNKH) inuu amray Zayd bin Xaaritha inuu fura Zaynab si uu u guursado? Quraanka kama aadan keenin, waayo Quraanka sidaas ma ahee si kale ayuu oranayaa? Baybalka kama aadan keenin waayo, kama hadla Baybalku waxaas? Xadiis ma jira oranaya sidaas oo aad soo daliishatay? Kaliya waxaad soo qortay aayada lambaradooda, iyana sida aad tiri ma oranayaan.Halka aad ka keentay waxaasi innaga waa noo caddahay oo waa xaashiyaha yar yar ee ay masiixiyiinta diinta faafiya ay kusoo siiyeen, cilmi looga hortaga oo laysaga celiyana malihid, saa waxaad ku qaabiishay oraahda ah ”qabbaltu”, macnaha yeelay. Tii baad moodday inaanay jirin dad cilmi leh oo kaala hadli kara, saad dadka lasoo dhex gashay adigoonanba khajileynin. Ka warran intan ooxaqiiq ah kadib, maxaa kula gudboon oo aad samayn doontaa? Ma waxaad jeexjeexi doontaa warqadaha lagugu soo sirey oo xaqa baad usoo laaban doontaa, mise dhoohane wax ma arka mana maqlee halkii baad jahli lasii duur geli doontaa?
Ilaahay haddii uu xaqa kula doona wuu ku fahamsiin doonnaa, haddii uuna kula dooninna xaabada Jahannama ayuunbaad noqon doontaa. Shaqsi ay ummaduhu rajayn doonaan maalinta Qiyaamaha si uu ugu shafeec qaada ayaad dafirtay isaga iyo caddeymahiisa iyo xaqa uu la yimid oo aad leedahay maahan nebi.. Waa kuu lama huraan marka haddii aadan ka toobad keenin arrinkaasi inaad noqota xaabada Jahannama.
Waxaad la yaabtay in Nebi uu guursada gabadha uu furay wiilkii uu soo korsaday, sidaa daraaddeedna waxaad tiri nin sidaasi sameeyay ma noqon kara nebi. Haddaba Maxay tahay sababta aad ku rumeysay nebi Luud oo aad ugu sheegtay nebi? Waayo kitaabka aad leedahay waan aaminsanahay ee Baybalka, wuxuu qorayaa inuu la seexday labadiisii hablood ee uu dhalay kadib markuu sakraamay. Subxanallaah!!. Waa ka hufan yahay Nebiyullaahi Luud waxa aad ku sheegteen, laakiin haddii aad aaminsan tahay waxa sidaas ah in nebinnimada aanay waxba u dhimeyn maxay tahay sababta aad u oranaysa nebi Muxammad (NNKH) ma noqon kara nebi maadaama uu guursaday gabadh uu furay wiilkii uu soo korsaday?’
Bal eeg yaqyaqsadan aad kusheegeysaan nebigii Ilaahay ee dahirsanaa Luud nabadi dushiisa ha ahaatee. Luud waa ninkii ay dadkii baladkiisa kusheegeen inuu yahay shaqsi is dahirin badan oo faxshida iyo xummaanta ka nasahan, waana nebi Ilaahay doortay.Luud wuxuu Quraanka inooga warramayaa in qoomkiisii liwaadka ku talax tegey ay yiraahdeen siduu Alle ka warramaya sida kusugan aayadda 82d ee suuradda Al Acraaf.

{ وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلاَّ أَنْ قَالُوا أَخْرِجُوهُمْ مِنْ قَرْيَتِكُمْ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ..}

”Ma noqon jawaabtoodii qoomkiisa (qoomka Luud) wax kale, inay yiraahdeen uun mooyaane ka saara magaalladiina (isaga iyo inta raacsan)”. .Al Acraaf: 82dBaybalku muxuu ka oranayaa bal eeg yaqyaqsadaniGenises/Billawgii: 28: 30d- 38d

30. Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogayba; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socar degganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood. 
31. Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay. 
32. Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno. 
33. Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona. 
34. Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee. 
35. Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona. 
36. Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhoodba aabbahood uurka ugu lahaayeen. 
37. Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo’aab, isna waa reer Moo’aabka maanta joogo aabbahood. 
38. Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.
Xaaladdaasi Luud kama suurtoobin, shaqsiyad nebiyeedna sidaasi kama suurtowda, bes laakiin Baybalka wuxuu aaminsan yahay in nebi sidaas ka suurtowda. Bal yaa daran nebi guursaday wiil uu soo korsaday gabadh uu furay, iyo mid labadiisii gabdhood carruur ka dhalay??Quraankeena kariimka ahi wuxuu sharfay nebiyada, martabad aanay diin kale gaadhsiinin buuna gaarsiiyey. Diinta Islaamku waa diin naxariis oo xaqiiqa kudhisan. Mahan waxyaabaha ay shayaadiinta inay farahooda kuqoraan yiraahdaan waa kitaab Alle, oo misna dhexdiisa nebiyada Alle sidaas loogu aflagaadeeya.
Sidoo kale aqri qormooyinkeenii hore ee Difaaca Suubanaha SCW

Raddin Shubbaha ah – Nebi Muxammad (NNKH) wuu dagaalamay!!

Muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u guursaday Ca’isha? (Raddin shubaha)  

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed@live.fi
____________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.