Odinga oo isbeddelay kuna dhowaaqay go’aan cusub

Nairobi (Caasimada Online)Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday inuu kasoo qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo maanta ka dhaceysa garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.

Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in William Ruto uu ku soo baxay doorasho aan ‘xor iyo xalaal aheyn”, sida uu hadalka u dhigay.

Bayaan uu soo saaray ayuu Odinga ku sheegay in uu dalka ka maqanyahay laakiin qodobka ugu muhiimsan ee aanu uga qeyb galeyn galeyn caleemo-saarka Ruto uu yahay in guddiga doorashada “aanu qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka Maxkamadda Sare aanu ku saleysneyn sharci iyo xaqiiqo, laakiin uu xushmeynayo go’aankaas”

“Sababahaas daraadood natiijadii doorashada waa mid aan la garaneyn” ayuu yiri ninka laga adkaaday ee Raila Odinga.

Waxa kale oo uu sheegay in marka uu dalka kusoo nqodo uu la kulmi doonoo xunbaha isbaheysigiisa, isla markaana ay ku dhawaqi doonaan tallaabada kale ee xigta.

Odinga oo markii shanaad u tartamay xilka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu taageero ka helayay madaxweynaha xilka ka dagay ee Uhuru Kenya, oo kasoo horjeestay William Ruto.

Si kastaba, caleema saarka madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa qabsoomaya maanta, waxaana ka qaybgalaya madax kala duwan oo ka socda Qaarada Africa iyo caalamka, waxaana sidoo kale qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.