Raphael Varane oo iska diiday inuu ku biiro Manchester United oo si aad ah u dooneysay.

Xidiga diiradu u saaran tahay kooxda Manchester United Raphael Varane ayaa daaha qaaday inuusan dooneyn inuu bisha Janaayo ka tago kooxdiisa Real Madrid.

Da’yarka daacafa dhexe ayaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Old Trafford, iyadoo kooxda Sir Alex Ferguson ay markale la dhibtooneyso dhaawacyo soo gaaray daafacyadeeda muhim ka ah.

Varane, oo 19 jir ah, ayey United u argtaa daafaca tayo leh kaasoo ay ku dhiso karto siyaasadeeda daafaca halbowlaha.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Faransiiska ayaa Real Madrid kusoo biiray 2011kii, ka dib markii uu waayo wax tar leh ka muujiyey kooxda Ligue 1 ciyaarta ee Lens, taasoo u sahashay inuu helofursad uu ugu biiro kooxda qaniyeedka Bernabeu. Wuxuuse keliya ciyaaray sideed kulan oo La Liga ah tan iyo markii uu yimid caasimada Spain.

Taas ayaana keentay in mustaqbalkiisa lala xiriirinyo koox kale, wuxuuse taas bedelkeeda sheegay inuu u dagaalamayo booskiisa kooxda Jose Mourinho.

“Waad qiyaasi kartaa in aanan sameyn horumar badan,” ayuu u sheegay saxaafada isagoo diyaar u ah inuu xulkiisa kala qeyb qaato kulanka ay la ciyaarayaan xulka Spain.

“Laakiin waa been. Waxaana cadeynayaa inaan doonayo inaan si dhaqso ah u halgamo ka hor inta aanan tegin.

“Tani waa wax l iga been abuuray, saxaafada iyo anigaba.

“Laakiin waqtigaan kama fekeraayo wax quseeya suuqa kala iibsiga.”