“Reerkeyga kuma lahan wax wasiir ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdinaasir Gaarane oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa waxa uu ka hadlay go’aanka uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Habeenimadii xalay ku magacaabay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somalia.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in shaqsi ahaan uu qabo in Golaha BF Somalia gaar ahaan Xildhibaanada bahoobay ay muujiyaan wadashaqeyn ay la sameeyaan Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub, si loo tijaabiyo qaabka ay u shaqeyn doonaan ka hor inta aan laga soo horjeesan.

Waxa uu Tilmaamay in Ra’isul wasaaraha dalka uu huri waayay inuu la imaado wasiiro ay wejiyadooda dadka ku cusub lagana tago xildhibaanada iyo sidoo kale siyaasiintii la yaqaanay, taasina ay sabab u tahay dhaliilaha loo jeediyay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar.

Cabdinaasir Gaarane ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in marka hore ay haboontahay in la tijaabiyo lana aqbalo wasiirada cusub, hadii aysan shaqeyna Baarlamaanka markaasi uu la xisaabtamo, maadaama uu yiri loo soo xushay inay la imaadan isbedel.

”In la magacaabo shaqsiyaad aan horay looga baran Siyaasada waxaa keentay Is afgaran waaga siyaasadeed ee ka dhex jiray siyaasiinta ama BF iyo dadka talada haya, waxaan qabaa in la tijaabiyo oo la fiiriyo in ay umadda u adeegayaan, hadii aan shaqsiyadeeda ama reerkeyga fiiriyo wax maslaxad ah oo ku jirtaa ma jirto, aniga kuma jiro reerkaygana kuma lahan wasiir”

Xildhibaan Gaarane waxa uu BF ka codsaday inay fududeeyaan hirgalinta Xukuumada cusub maadaama la hirgaliyay go’aankoodii diidmada ahaa ee lagu diidaayay Afarta Wasiir.

Ugu dambeyntii, Gaarane ayaa sheegay in laga yaabo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya in ay kasoo horjeestaan wasiiradaan oo xitaa laga yaabo in ay gaarto heer aan la aqbalin, balse isaga aragtidiisa tahay sidii shacabka Soomaaliyeed marxaladda maanta ay joogaan looga sii gudbin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com