Roberto Di Matteo oo kooxdiisa uga digay in guul darro kasoo gaarto kulanka Nordsjaelland.

Roberto Di Matteo ayaa uga digay kooxdiisa Chelsea inay iska ilaaliyaan guul darro kasoo gaarta marka ay booqdaan kooxda Danmark ka dhisan ee Nordsjaelland.

Blues ayaa u baahan guul ka dib markii ay kulankoodii furitaanka barbaro 2-2 ah la galeen Juventus.

Hadii ay kooxda RDM guul darro soo gaarto ayaana loo macneyn karaa in kooxda heysata koobka loo tartamaayo aysan si dhib yar uga soo bixi Karin wareega Group-yada.

Di Matteo ayaa yiri: “Waa inaan ogaana in kulankaani uu yahay kulanka muhimka inoo ah ee Group-ka.

“Rikoorkeena aan ka maqanahay gurigeena koobabka Yurub wuxuu ahaa mid wanaagsan sanadii lasoo dhaafay.

“Waa mid muhim ah inaan mar kale guul ku bilaabano. Waan ogahay inaan bilaabaneyno inagoo ah kooxda koobka looga cabsanaayo waxaana safan doonaa koox adag.”

Dhan kale Gool hayaha kooxda Chelsea Petr Cech ayaa ka hadlay waxa uu ka filaayo kulankaan.

“Waxaan dooneynaa inaan guul gaarno ciyaar waliba sababtoo ah midaasi waa wadada aan koobab ku qaadi karno.

“Waan ognahay inuu noqonaayo kulan taariikhi ah kulanka Nordsjaelland.

“Waxay doonayaan inay iska muujiyaan ciyaaraha Champions League ee gurigooda si ay xooganaan koobka ugu tartamaan.

“Ma ahan inaan u qaadano koox fudud sababtoo ah way adkaan kartaa inaad guul ku gaarto gariga Danish-ka.”