Roberto Mancini oo dhabarka saartay eeda guul darradii xalay soo gaartay Man City.

Roberto Mancini ayaa nafsadiisa eeda dusha ka saaray ka dib markii kooxdisa Manchester City ay guul darro kasoo gaartay kulankoodii Champions League.

Tababaraha City ayaa qirtay inuu Farsamo ahaan qalday kulankii ay guul darro 3-1 ah kasoo gaartay kooxda Ajax, wuxuuna daaha ka qaaday inay noqoto wax mucjisa ah hadii ay kooxdiisu gaarto wareega 16ka ee Koobka Kooxaha Yurub.

Richards ayaana ku eedeeyey inuu Mancini ciyaarta wax ka bedelay, macalinka ayaase iska indho tiray midaas.

“Waxay aheyd qalad aan sameeyey,” ayuu yiri Mancini. “Si fiican isuguma soo diyaarin kulanka waana qaadanayaa eeda.

“Ma aqaano waxa uu sheegay Micah laakiin ma doonayo inay sii dhacdo tan oo kale. Waxaan isku bedelnay shan daqiiqo iyadoo sedax dhibcood nagal soo celshay, laakiin had iyo jeer waxaan heysanay 11 ciyaaryahan.

“Waxaan filayaan inay muhim tahay – sedax, afar, shan, lix, ama todobo daafac – hadii uu xitaa qof cusur daarto waxaad ahaaneysaa mid fiican, laakiin ma ahan sababtaas.

“Wey adag tahay inaan gaarno 16ka. Waxay noqon kartaa mucjiso.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.