Rooble oo joojiyay baahinta muuqaal laga duubay wasiir Dubbe + Qorshaha laga lahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la joojiyo baahinta muuqaal uu duubay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, kaasoo jawaab u ahaa maamulka Somaliland. 

Wasiir Dubbe ayaa duubay muuqaal jawaab u ah warqad ay dhowaan Somaliland u dirtay xubnaha beesha caalamanka iyo ururada caalamiga, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan Somaliland wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay in uu ka jiro maamul fadhiid ah. 

Muuqaalka Wasiir Dubbe ee la joojiyay ayaa ahaa mid u badan hadalo durid ah una badan suugaan si dadban loogu weeraryo Somaliland oo uu wasiirka ka soo jeedo. 

“Hadalkiisa waxaa ku jiray in Somaliland ay tahay maamul gobaleed ka tirsan Soomaaliya, 30 sano oo baadi goob madaxbanaani ay tahay maaweelo lagu seexiyo dadka reer waqooyiga ah oo badankood diyaar u aheyn gooni isu taagga balse ay wataan dad gaar ah ayuu ahaa hadalka Wasiirka,” ayuu yiri qof kamid ah xubnaha maamulka Telefishinka Qaranka oo daawaday muuqaalka. 

“Badanaa wararka xanafta leh maalmahaan waa lala socodsiiyaa xafiiska Rooble, waxaana aad ula socda wararka Telefishinka Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo dad gaar ah oo katirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay oo aan ka gaabsanay baahinta magaciisa. 

Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee waqtiga dhamaaday ayaa hadda ka mid Murashaxiinta Aqalka Sare ee lasoo saaray liiskooda doorashada, toosoo todobaadkaan ka qabsoomi doonto Muqdisho sida ku cad jadwalka Guddiga.  

Sababta uu u joojiyay Rooble ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in hadalkaan ay dhibsadaan maamulka iyo bulshada Somaliland oo dhibaatooyin badan ka tabanayey Farmaajo ee 4-tii sano ee uu madaxweynaha ahaa.