ROOBOW oo shaaciyey dad badan oo isku dayey inaan xil WASIIR loo magacaabin

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in dad badan ay kasoo horjeedeen oo ay isku dayeen inay ka hortagaan in wasiir loo magacaabo. 

Abu Mansuur ma uusan shaacin magacyada dadkaas, hase yeeshee waxaa jirta in dadka diidanaa magacaabistiisa ay u badnaayeen kooxdii Nabad iyo Nolol ee xabsiga ku haysay muddo ka badan saddex sano iyo bar.

Abu Mansuur oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyey madaxda sare ee dowladda federaalka inay kusoo dareen golaha wasiirada, wuxuuna sheegay inuu abaal uga hayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale codsaday in la iska hilmaamo oo la iska cafiyo wixii ka dhacay magaalada Baydhaba bishii December 2018, intii lagu guda jiray xarigiisa.

Waxaa xilligaas magaalada Baydhaba lagu dilay 17 qof oo shacab ah kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo uu soo amray madaxweyne Farmaajo, si ay usoo xiraan Roobow loogana hor-istaago inuu u tartamo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo Farmaajo uu la rabay Laftagareen kana dhigay. 

“Wixii ka dhacay Baydhaba waa in la iska cafiyaa oo aan nabadda dib ugu laabanaa ayuu yiri Abu Mansuur.  

Dhinaka kale Roobow ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay daryeel wanaagsan siiso maxaabiista, isaga oo sheegay in muddadii uu xabsiga ku jiray aad loo caburiyey.

Roobow ayaa toddobaadkii tegay loo magacaabay xilka wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ayada oo dowladda ay rumeysan tahay inuu gacan ka gaysan karo dagaalka xagga fikirka ah eel ala galayo kooxda Al-Shabaab.