ROOBOW oo war cusub ka soo saaray doorashada Koonfur Galbeed + Sawirro

Baydhabo (Caasimada Online) – Musharax Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed kulan khaasa kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka.

Mukhtaar Roobow ayaa Xildhibaanada kala hadlay arrimaha doorashooyinka maamulka, waxa uuna sidoo kale ka dalbaday in lasiiyo codka uu ku noqon lahaa Madaxweynaha maamulka.

Roobow ayaa Xildhibaanada u sheegay inay muhiim tahay in codka lasiiyo maadaama uu diyaar u yahay inuu la imaado isbedel dhab ah.

Waxa uu Muqtaar Roobow walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo dhawaan la filayo in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada ayuu ka dalbaday in maamulka jira ay kula xisaabtaman dib u dhacyada ku imaanaya magacaabida gudiyada doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Roobow ayaa Xildhibaanada u muujiyay rajadiisa ku aadan inay siiyan codadka isagoo cod dheer ku sheegay inuusan dan gaara ka laheyn xilka uu raadinaayo balse uu doonaayo isbedel dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Baydhabo ayaa dhawaan lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan musharixiin badan.