RUUSHKA oo fariin culus u diray 3 ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya

Moscow (Caasimada Online) – Vadim Kirpichenko oo ah wakiil ka socday dowladda Ruushka oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka gelinkii dambe ee Arbacadii ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa farriin u diray Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

Vadim Kirpichenko ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha saddexdaan maamul in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan daadajinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Vadim Kirpichenko.

Danjiraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumadda Moscow ay garab taagan tahay dowladda dhexe ee federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay la yeelan doonto iskaasho dhow oo wada shaqeeneed.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday howlgallada dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan kororka weerarada ay kooxda ka fuliso gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyey in si wadajir ah loo wajaho howlgallada lagula dagaalamayo kooxda oo ay qayb ka tahay ATMIS.

Kulanka golaha ammaanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray ammaanka dalka iyo abaaraha, ayada oo warbixin laga dhageystay ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan Soomaaliya ay la daala dhaceyso culeyso kala duwan, sida xaalado bani’aadanimada oo ka dhashay abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.