Beesha Sade oo shir weyn qabaneysa beri + Cabdi Weli & Barre Hiiraale oo…

Garbahaareey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo waxaa maalinta berri ah ka furmi doona shirweyne looga hadlaayo maamul rasmi ah loo sameeyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maxamed Aadan Cali, waa mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka, wuxuu warbaahinta u sheegay in shirka Garbahaareey ka furmaya uu yahay mid horrey loo qorsheeyay oo la rabay in ay yeeshaan beelaha deggan gobalkaas si ay iyagoo mideesan ay uga qeybgalaan shirka Kismaayo oo lagu waday in uu furmo 1-da bisha soo socota balse laga soo hormariyay.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka uu ka soo qeybgali doono ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo hadda ku sugan dalka Turkigaas isla markaana soo gabagabeeyay safaro uu ku tagay waddamada Ingiriiska iyo Norway.

Maxamed Aadan Cali, waxaa kaloo wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu furo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka 16-kii bishan, balse wuxuu caddeeyay in wax kasta oo qalad ah oo dhaca in looga baahan yahay in ay saxdo dowladda oo markii hore sameesay.

Dhinaca kale, warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in shirka Garbahaareey ka dhacaya uu ka qeybgali doono Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo qaaday shirka Kismaayo ka furmay.

Ma cadda sidda dowladda Soomaaliya ay xal uga heli doono shirarka is barbar socda ee madaxda dowladda ka furayaan gobalada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com