CC oo laba jibaaray weerarka uu ku hayo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ku celshay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uusan u qalmin in loo doorto Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Sharmaarke waxa uu sheegay in muddo 4 sanno kadib uusan Xasan Sheekh waxba soo kordhin doonin, waxa uuna tilmaamay inuu ku fashilmay xilka Qaranka uu u hayo.

Sharmaarke waxa uu carabdhabay in Dowladnimadu ay u baahan tahay Cadaalad, Maamul wanaag iyo Sinaanta Bulshada, hayeeshee Xasan Sheekh uu ka fogaaday dhammaan qodobadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxa aan garan la’ahay waxa uu la danqanaayo waayo laba musharax ayeynu wada nahay waxa aan sheegay waa wax jira oo xaqiiq ah”

Cumar C/rashiid waxa uu sheegay inuusan sheegin haddal uu ka caroodo Xassan Sheekh, waxa waxa uu tilmaamay in Dowlada wakhtigeeda uu dhacay ay ku fashilantay Jadwalka.

”Haddii aan ka tirsanahay micnuhu maaha inaan amanayo ama aan xafidaayo ee waxa aan sheegayo waa wax jira adeer”

Haddalka Cumar C/rashiid ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad uga carooday dhaliilo uu jeediyay Cumar C/rashiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com