Video: R/W CC oo weerar kulul ku qaaday Xasan kana hadlay arrinta badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay dowlada Kenya iyo Musharaxiinta u taagan Madaxweyninimada Somalia ku celcelinayeen in Ra’isul wasaaraha dalka uu iibsaday Hantida Qaranka ”Badda” ayaa waxaa goordhow arrintaasi Saxaafada kala hadlay Sharmaarke oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa Saxaafada ka hor sheegay in arrinta la xiriirta Badda Somalia ay mar marsiyo ka dhiganayaan Musharaxiinta la tartameysa waxa uuna cadeeyay inaanu loo baahneyn in dadka loo gafo.

Waxa uu si dadban u weeraray Xasan Sheekh, isaga oo ka digay in arrinta badda laga dhigo olole doorasho.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in Musharaxiinta qaar ay hal ku dhig ka dhigteen arrimaha Badda, waxa uuna carab dhabay in Badda Somalia aanan la iibsan balse la haanshiyaheeda uu galay muran.

”Musharaxiin badan ayaa howl iga dhigtay waxa ay dib usoo faagfaagayaan murankii kasoo bilowday Xukuumadii KMG aheyd ee aan hogaamin jiray Sanadkii 2009”.

”Anigu qaadan maayo in leygu dul raadiyo sumcad iyo codad, waxaan halkaani ka qirayaa inaanu jirin wax heshiis ah oo laga galay Badda Somalia oo Xukumadeydii ay u Saxiixday Kenya”

”Dadka ay ugu horeeyan musharaxiinta waxa ay doonayaan inay magac ku helaan dacwada Muranka Badda”

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in shaqsi waliba uu ilaaliyo sharafta shaqsiga kale, waxa uuna ka digay in arrinta badda Somalia loo soo weeciyo dhankiisa.

Hadalka Ra’isul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili Dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ay ka socoto Maxkamadda ICJ ee dalka Holan.

Hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com