R/W C/WELI SHEEKH oo hadal yaab leh sheegay: 40 sano kadib xitaa lagama yaabo in SOMALIA…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul-wasaarihii hore ee Xukuumada Federalka Somalia, Abdiweli Sheekh Axmed oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay ka qeyb galaan Dib-u-dhiska iyo Horumarinta dalka.

Isaga oo la hadlayey Warbaahinta Seattle News & Information ayaa sheegay inuu la kulmi doono Qurbo-joogta Soomaalida ku nool dalka Maraykanka, si uu ugu booriyo inay dib ugu soo laabtaan dalka hooyo, si ay Khibradooda ugu biiraan dib-u-dhiska Somalia.

“Qurbo-joogta Soomaalida Maraykanka waa inay aqoontooda uga faa’ideeyaan Ummadda Soomaaliyeed, lkoona baahan yahay taageeradooda”

Abdiweli Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay inay isaga iyo xubno kale dadaal ugu jiraan sidii Somalia looga hirgelin lahaa Isbedelka Dimuqraadiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan Somalia wax Doorasho Dimquraadi ah ka dhicin muddo 40-sannadood.

“Waxaan markii ugu horreysay ka shaqeynaynaa sidii ay Doorasho Dimqraadi ah uga dhici lahayd Somalia” waxa uu intaa ku daray inay doorashaddu fure muhiim u tahay Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somalia.

Abdiweli Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay haddii ay doorasho dhacayso inuu u bahaan yahay inay Soomaalida Maraykanka u codeeyaan, xitaa haddii uusan isagu ku jirin Doorashadaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore waxa uu ugu baaqay Jaaliyadda Soomaalida Maraykanka inay ka qeyb qaataan Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somalia, oo aysan sugin ilaa laga xalinayo dhibaatooyinka ka jira Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com