R/W Saacid oo dhinac isaga riixay Madaxweynaha iyo Damul Jadiid.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya in xalay wada hadallo waqti dheer qaatay ay ka socdeen xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, halkaasi oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay isku khilaafeen arrinta golaha wasiirada.

Sida dad xog ogaal ah ay inoo sheegeen, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa dhinac isaga riixay damaca madaxweynaha iyo kooxdiisa Damul Jadiid, ee ahaa in wasiirada cusub ay ku yeeshaan tiro aad u badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu iska diiday qorshe ay Damul Jadiid dooneysay inay ku qaadato inta u dhaxeysa 6 illaa 8 Wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno.

Waxa kale uu diiday qorshe madaxweynaha ku doonayay in golaha wasiirada lagu kobo inta u dhaxeysa 10 illaaa 12, si loo sameeyo gole wasiiro oo kooban oo lala xisaabtami karo.

Waxaa xalay oo dhan labada dhinaca ay lahaayeen kullamo ay ka qeyb galayeen xubno ayaga ku dhow, si arrinta meel la iskula dhigo.

Sida aan warka ku helnay, waxaa madaxweynaha la ogoleysiiyay in la koobo tirada xubnaha ay Damul Jadiid ku yeelan doonto golaha wasiirada, islamarkaana la badiyo golaha wasiirada oo laga dhigo inta u dhaxeysa 14 illaa 18, inkasta oo weli tiro rasmi ah aan la isku raacin, lana go’aamin doona saaka.