Saacid oo baarlamanka hor tagaya maanta iyo wareer dhinaca sharciga ah oo taagan. (Warbixin)

Wixii la sugaba, Waxaa maanta is arki doona ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia loo magacaabay Cabdi Faraax Shirdoon “Saacid” iyo baarlamanka Somalia, halkaasi oo la filayo inuu sharci ka noqdo, ama isaga soo noqdo.

Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamanka uu ka codsaday ra’iisul wasaaraha inuu 48 saacadood gudahood ku hor yimaado baarlamanka, waxaana ay u muuqataa in Mr. Saacid uu arrintaas aqbalay.

Sida ay wararka nagu soo gaareen, ra’iisul wasaare Saacid ayaa maanta loo qaadi doonaa codka Kalsoonida, kadib marka uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadkiisa.

Habeenadii ugu dambeeyay ayaa waxaa kulamo ku saabsan Ansixinta Ra’iisul wasaaraha ay ka socdeen Villa Somalia, kuwaasoo intooda badan ay yeelanayeen Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Ilo wareedyo hoose ayaa sheegay in Xildhibaanada ay codka Kalsoonida ah siin doonaan Ra’iisul wasaaraha, iyagoo sheegay in xildhibaanada laga dhaadhiciyay inay codka kalsoonida ah ku ansixiyaan.

Hase yeeshee waxaa weli ay su’aalo ka taagan yihiin qaabka ansixinta xukuumadda, iyadoo dastuurka dalka uusan kala caddeyneyn in mar qura la wada ansixiyo ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada iyo in isaga marka hore la ansixiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wada dadaal uu ku doonayo in marka hore la ansixiyo Ra’iisul wasaaraha si isla markaas loo dhaariyo uuna u soo dhiso dowlad.

“Talaabadan lagu ansixinayo Ra’iisul wasaaraha waa mid sax ah, waayo ra’iisul wasaare aan la dhaarin ma filayo inuu soo dhisi karo xukuumad, marka taas ayaa keenaysa in marka hore ra’iisul wasaaraha la ansixiyo” ayay mudanayaal dhorw ah sheegeen.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Wasiirada lasoo magacaabayo ay qaar ka mid ah hadaba diyaarsan yihiin, kuwaasoo la sheegay inay u badan yihiin dadkii aan ka bixin dalka mudadii 20-sano ahayd ee uu burburku jiray.