Saadaq Joon oo soo saaray digniin ku socota ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, haarana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee BF, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa soo saaray digniin ku socota ciidanka jooga furimaha hore ee dagaalka.

Xildhibaan Saadaq ayaa ciidanka uga digay xiligaan oo dalku uu galay xaalad dagaal inay raacaan gaadiidka, isagoo taas bedelkeed u soo jeediyey inay lugeeyaan, si khasaaraha soo gaaraya uu u yaraado.

“Waxaan uga digayaa ciidamada jooga furimaha dagaalka sida gawaarida aad u raacaysaan joojiya, kuna badala inaad lugaysaan, si aad qasaarihiina u yaraysaan, cadowgana u jabisaan, guulaysta,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Qoraalkaan wuxuu soo raaciyey kolonyo ciidan ah oo aad u buux-dhaafisay gaadiidka dagaalka, gaar ahaan gaari Cabdi Bile ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalkii saakay ka dhacay degaanka Basra oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa miinooyin gelisay wadooyinka ay adeegsadaan ciidamada dowladda, waxaana xusid mudan in khasaare lixaad leh ay geystaan, miinooyinka gacan ku sameyska ah ee kooxdu ay geliso wadooyinka.