Sacuudi Carabiya oo JOE Biden ku wargelisey go’aan uu muddo ka hortaagnaa

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudiga ayaa farriin adag oo hanjabaad ah u diray Madxweynaha Maraykanka, Joe Biden. Waxayna Boqortooyadu wacad ku martay inay ku hoggaamin doonto dalalka saliidda soo saara ee OPEC + inay dhimaan wax soo saarkooda si loo dejiyo sicirka suuqyada ee kacsan.

Kadib markii qiimaha saliidda cayriin ee qeyb ahaan laga adeegsado UK uu hoos uga dhacay $100 halkii barmiil, wasiirka tamarta ee Boqortooyada khaliijka, Prince Abdulaziz bin Salman ayaa sheegay in dalalka soo saara saliidda ay taasi uga jawaabi doonaan in la dhimo wax soo-saarka, taasi oo sare u qaadi karta qiimaha.

Tani waxay ahayd fariin aan kaliya loogu talogelin sare u qaadista qiimaha, taas oo kor u kacday ilaa $102 maalinimadii Khamiista. Laakiin waxaa kale oo loogu tala-galay inay digniin u noqoto Maraykanka iyada oo heshiiska Nukliyeerka ah ee Iran uu ku dhow yahay gunaanad, lagana yaabo inay kusoo fatahaan suuqyada saliidda xilliga jiilaalka, sida laga soo xigtay la-taliyayaashii hore ee Aqalka Cad iyo falanqeeyayaal sare oo arrimaha saliidda dersa. 

“Dadka aqoonta durugsan u leh fikirka Boqortooyada ayaa ku sheegay fara-gelintii degdedga ahayd oo ay ku sameysay qiimaha shidaalka ay durba qaaliyeysay beeca halkii barmiil ‘fuusto’ oo lagu iibsanayo wax ka badan 100$, taas oo ah farriin culus oo awood badan. Waxay diraysay digniin ku aadan cawaaqibka Maraykanka uga imaan kara haddii uu oggolaado saliidda Iraan inay suuqyada dib ugu soo laabato,” ayaa lagu yiri warbixinta Financial Times. 

Sacuudiga waa xubin hormuud ah oo katirsan OPEC+ oo ah ururka ay ku midaysan yihiin dalalka dhoofiya shidaalka iyo isbahaysigooda oo uu wehliyo Ruushka. 

Riyadh ayaa dhowr jeer iska dhega-tirtay baaqyo kaga imaanayay Joe Biden oo ahaa in la kordhiyo wax soo saarka saliidda. Waxaa sare u kacay qiimaha tamarta ee Reer Galbeedka kadib markii cuna-qabateyn la saaray tamarta Ruushka laga keeno. Waxayna taasi kicisay qiimaha tamarta. Waxaana laga cabsi qabaa inay kasii darto bilaha soo aaddan. 

Qiimaha saliidda ayaa hoos u dhacay wax yar bilowgii bishan – laakiin faallada Sacuudiga, oo uu taageeray Madaxweynaha OPEC +, Bruno Jean-Richard Itoua iyo dhowr dal oo saliidda soo saara oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Kuwait ayaa cirka kusii shareeray qiimaha.

Fara-gelinta Sacuudiga waxaa loogu tala-galay in lagu difaaco qiimaha ugu hooseeya saliidda, sida uu yiri Roger Diwan, oo ah ku-xigeenka IHS Market Experts. 

Waxa kale oo jirta rejo ah soo laabashada suurta-galka ah ee fuustooyinka shidaalka Iiraan kuwaas oo wax u dhimaya wax soo saarka labada xul ee Sucuudiga iyo Ruushka ee OPEC+ ku wada jira.

La-taliyihii hore ee Aqalka Cad, Bob McNally ayaa u sheegay wargeyska Britain in fara-gelinta Abdulaziz ay ujeedadeedu tahay in xasillooni la geliyo suuqa mustaqbalka saliidda cayriin ee sii socda.

Heshiiskii Nukliyeer ah oo u dhaxeeyay Iran iyo Mareykanka oo ujeeddadiisu ahayd in la xaddido tayaynta macdanta Uranium-ta loogana qaado cuna-qabateynta ayaa maraya meel gabagabo ah. Tehran ayaana si miirqab leh dib-u-eegis ugu sameynaysa falcelinta Maraykanka ee heshiiskii uu soo diyaariyay Midowga Yurub. 

Heshiiska ayaa u oggolaan doona Iiraan inay maalin walba boqollaal kun oo barmiil oo shidaal ah iib geeyaan ilaa dhammaadka sannadkan. Waxayna taasi wax ka beddeli doontaa sare u kaca qiimaha shidaalka lagu kala iibsado adduunka oo dhan. 

Riyaad iyo Tehraan ayaa ah labo awoodood oo ku loolama Bariga Dhexe. Waxay isku arkaan cadow soo jireen ah. Dagaalkoodu marwalba wuxuu salka ku hayaa cidda gacanta sare ku yeelanaysa gobalka. 

Haddii qiimaha shidaalka sare u kaco, waxay aad u dhaawici doontaa Joe Biden, sababtoo ah shacabka Mareykanka oo hadda aad uga careysan qiimaha oo aad uga sarreeya sidii uu ahaa laba sano kahor, taasina waxay dhalin kartaa inay codadkooda siiyaan xisbiga Jamhuuriga.