Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo Pakistan ka hiiliyey lana saftay India

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa India la saftay kadib loolan siyaasadeed xooggan oo shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee magaalada Abu Dhab ku dhex maray India iyo Pakistan.

Labada dal ee Carbeed ayaa ka hor-istaagay Ururka Iskaashiga Islaamiga inuu soo saaro qaraar loogu hiilin lahaa Kashmir, laguna cambaareyn lahaa dowladda India, oo si aad ah ay dooneysay Pakistan, waxaa sidaas weriyey Middle East Monitor.

Arrinta yaabka lahayd ee taas ka horreysay ayaa ahayd in India lagu casuumay kulankii Abu Dhabi ka dhacay ee dalalka Islaamka, inkasta oo ay diidaneyd Pakistan. India waxaa ku nool 172 milyan oo muslimiin ah.

Ka qeyb-galka India ee kulankaas ayaa waxay ka faa’iiday in war-murtiyeedkii shirka laga reebo qoraal lagu camaabreyn lahaa dhibaatada ay ka waddo Kashmir, kadib markii ay kala shaqeeyeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

War-murtiyeedka shirka ayaa waxaa arrinta Kashmir uu kusoo koobay oo kaliya “muran u dhaxeeya India iyo Pakistan”, waxaana laga reebay qeyb lagu cambaareynm lahaa laguna ceebeyn lahaa xasuuqa India ay ka waddo gobolka, kadib markii Pakistan ay sidaas dalbatay.

Si gaar ah, Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyey ka qeyb-galka India ee kulankan, oo Pakistan ay aad u diidaneyn, waxayna kadib ka hor-tageen dadaal ay Pakistan u gashay in war-murtiyeedka lagu daro cambaareyn ka dhan ah India.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed ayaa sidoo kale sheegay in waftiga India ay dadaal u galeen in muranka Kashmir laga reebo gebi ahaan ajendaha shirka, ayaga oo aragtida ururka OIC ee xiisadda u qaabeeyey habkii ay jaclaayeen, kadib markii ay taageero ka heleen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

India ayaa hadda ku rajo weyn inay xubin buuxda ka noqoto ururkan ayada oo taageero ka heleysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka Pakistan ayaa ad uga soo horjeedo.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com