Sacuudiga oo isu diyaarinaya go’aan ka dhan ah oo laga cabsi qabo inuu qaato Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ka fakareysa halkii ay u weecin lahayd malaayiin barmiil oo saliid cayriin ah, oo saran maraakiib saliidda qaada oo ku wajahan Mareykanka, haddii madaxweyne Trump uu mamnuuco saliida laga soo dhoofiyo boqortooyada.

Qiyaastii 40 milyan oo barmiil oo ah saliid cayriin oo Sacuudiga laga keenay ayaa iminka ku wajahan Mareykanka, waxaana la filayaa inay gaaraan maalmahan soo socda, taasi oo cadaadiska kusii kordhin doonta suuqyada oo markii horeba buux dhaafiyey.

Saraakiisha Mareykanka ayaa dhowaan sheegay in Washington ay ka fakareyso inay joojis saliidda cayriin ee laga soo dhoofiyo Sacuudiga amaba ay saartoo canshuur dheeri ah.

Ilo-wareedyo ku dhow Sacuudiga ayaa Reuters u sheegay in boqortooyada ay isku dayday in saliiddaas la geliyo keyd oo aan la gayn Mareykanka, balse ay kasoo horjeesteen dadka leh maraakiibta oo soo safray bishii tagtay, sababo la xiriira lacagta lagu keydinayo oo qaali ah.

Laba ilo-wareed ayaa iminka sheegaya in Sacuudiga ay ka fakaraan in dalal kale loo leexiyo saliidda, haddii Mareykanka uu mamnuuco in lasoo geliyo.

Ganacsatada Saliidda ee Yurub iyo Asia ayaa sheegay inay jirto filasho ah in Sacuudiga ay eegi doonaan inay suuqyadooda usoo weeciyaan saiiddaas, haddii xanibaadda Washington lasoo rogo.

Suuqyada saliidda Mareykanka ayaa horraantii toddobaadkan burburay ayada qiimaha halkii barmiil uu ka hoos maray $0, inkasta oo dib ay usoo kabteen kadib.

Faafitaanka cudurka Coronavirus oo hoos u dhigay dalabkii shidaalka ayaa horseedday burburkan, taasi oo Mareykanka ku qasabtay inay ka fakaraan in la la mumnuuco saliidda dalka lasoo geliyo.

REUTERS + VOA