Sacuudiga oo Qadar u kordhisay mudada ay ku aqbaleyso 13-ka shuruud

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Khaliijka ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Qadar ayaa dib u kordhiyay maalmihii loo qabtay Qadar inay ku aqbasho 13 Shuruud ee xalka loogu raadinaayo xiisada.

Dowlada Sacuudiga oo dib u cusbooneysiisay maalmaha loo qabtay aqbalaada qodobada ayaa iminka ku dartay 48 saacadood in Qadar ay ku aqbasho shuruudaha ama ku qaadacdo.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Qadar ay fursad u heysato muddo 48 saacadood, iyadoo wixii intaa ka danbeya ay go’aan ka qaadan doonaan xiisada kala dhexeysa Qadar.

Mudada loo qabtay Qadar ayaa ku ekeyd Axadii lasoo dhaafay, waxaana iminka dib loogu kordhiyay 48 saac ee aan kor kusoo xusnay, iyadoo mudadaasi ay noqon doonto mid kama danbeys ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay qaadan doonto go’aan cad oo u fasixi doona qaadida talaabo waliba oo lid ku ah Qadar.

Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.

Qadar oo u muuqata mid la faragalinaayo amuuraheeda gaarka ah, ayaa sheegtay inay adkaan doonto fulinta qodobada, balse ay suuragal tahay inay aqbasho wadahadal ay la gasho Xulafada Sacuudiga.

Dowlada Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.

Docda kale, Muda kordhinta loo sameeyay dowlada Qadar ayaa suuragalin karta in isbedel uu ku imaado qorshaha Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com