Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan)

QEYBTII 1-AAD

Siraad, weligaa iskuul ma aaddhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee awoodda reerka ayaa sidaas ahayd.

Qof kasta oo faqiir ahi wuu ku riyoodaa nolol ka wanaagsan tiisa liidata, adiguna taas dadka kale ayaad kala mid ahayd. Wax badan baad calafkaaga sii malaysay. Wax badan baad doob baabuur qaali ah wata iyo fillo doog leh indhaha la sii raacday. Wax badan baad oori nin ladani koolkoolinayo niyadda ka xasadday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan sii dhegeysatay.

Xaalkiinna oo sidaas ah ayuu laytalkhadar idinku soo degay; nin hodan ah baa laguu dhisay reerkana lacag ku hafiyey. Wuu kaa da weynaa oo markaas aad sagaal iyo toban jirka ahayd isagu wuxuu ahaa konton. Naag ay kala tageen ayaa afar carruur ah oo koray u lahayd. Laakiin xag dhaqaale waa nolol aad u baahnayd. Waa adigii degay fillo beer leh, ee gashaday dhar qaali ah, ee u egaaday oori qiimo leh. Baabuur, telefeeshin, fiidyow, telefoon iyo qalab la nooc ah oo guryaha waqtigan ku yar ayaa laguu dhigay, adeegto shaqada u jajaban ayaa laguu qabtay, habeenkiina guriga waxaa kuu ilaaliya waardiye xoog weyn. Noloshaadii waxaa ku dhacay afgembi.

Waxaad isbarateen dad cusub oo xagga ninkaaga kaa soo galay, kuwaas oo idinla nolol ah amaba idinka sii ladan. Waxa ay ka sheekeeyaan iyo sida ay u sheekeeyaan la mid ma aha foqoradii jaahiliinta ahayd ee aad ku soo dhex kortay, kuwaas oo ahaa dad cabasho iyo calaacal badan, oo muran iyo qaylo badan, oo dagaal iyo isxagxagasho badan. Waxay ahaayeen dad sida waraabaha dirqi ku nool. Laakiin qolada cusubi waa dad deggan oo naftooda iyo noloshooda jecel. Waxay u sheekaysan jireen si qoladii hore aad uga duwan oo aad muddo la qabsan kari wayday.

Xeeb nadiif ah baa lagu geeyey oo inta dhar gaaban laguu geliyey lagu dabbaal baray. Caweys muusig dheeri ka shidan yahay baa la iswada ruxay adigana lagu ruxay. Martiqaadyo maamuus leh ayaa lagugu casumay oo dad nooc kale ah lagu baray. Yurub baa laguu dalxiis geeyay, oo aad indho sarcaadday, oo indho daraandartay, oo moodday in lagu sixray. Waxaas iyo wax la mid ah ka dib illeen dhagax ma tihid ee waad furfurantay oo milantay.

Ninkaagu bilawgii wuu ku koolkoolin jiray, laakiin beryihii dambe dan kaama geli jirin. Balwad iyo dad ay isaga isku dookh yihiin ayuu adiga kaa jeclaa waqtigiisa inta badanna siin jiray. Wuxuu bilaabay habeenka uu doono in uu iska dhaxo. Adiguna illeen dundumo ma tihid ee khaati baad noqotay. Gurigii waad ku caajistay sariirtiina ku cidlootay. Waardiyaha iyo adeegtada midna sheeko lama aad wadaagi jirin, dhaqankii cusbaa ee lagu baray ayaa ahaa in aan nolosha sare iyo ta hoose la isku darin, haddii kale ta sare ayaa nuxur iyo dhadhan beelaysa. Adeegtadu marka ay fiidka reerka cashaysiiso caweys ma haleesho ee sariirta ayey beegsataa, waardiyihuna salli xun oo uu ganjeelada agteeda u yaal ma soo dhaafo. Sidaas darteed marka aan ninkaagu joogin waxaad u cidlootay sidii boqorad laga dhintay.

Waardiyaha xoogga weyni waa adiga. Waxaad tahay xerow shan iyo labaatan jir ah oo sida jaajuurka u adag una malaasan. Kama duwanid awr reerka debedda ugu dabran. Goor walba waxaad xasuusta ku haysaa maahmaahda ah ”Rag waxaa ugu liita nin maqan oo aan la tebin, nin tegaya oo aan la celin iyo nin jooga oo aan la tirin.” Maalintii oo dhan masjidka ayaad diin barasho u yuururtaa, marka salaadda maqrib foodda laga qaadana halkan ayaad ka soo shaqo gashaa. Reerka habeenkii uun tuugta kama ilaalisid ee adiga ayaa raatubta u akhriya, danta Kitaabka Alle ka soo gashana u caddeeya. Weli waxaad tahay arday oo diinta aqoon badan uma lihid, laakiin fatwada badanaa malaha iyo qardojeexa ku dhisan iyaga ayaad kalsooni kaga raadisaa. Risiqaaga ayaa galay.

Fiidka marka aad shaqada soo gashid ganjeelada agteeda ayaad beerta salli dhigataa. Halkaas ayaa shaah iyo casho waxii habeenkaa Alle kuu qoray laguugu keenaa, oo aad ilaa waaberiga duruusta ku akhrisataa, gurigana tuugta ka ilaalisaa. Hawsha intaas kuu dheeri waa ninka reerka leh oo aad marka uu baabuurka la baxayo ama la soo gelayo ganjeelada ka furtid.

Ma jiro qof xumaan ka dhawrsani, waxaadse ku dadaashaa in aad ahaatid nin jidka Alle ku toosan. Salaadi kaama tagto, soonna hadalkii daa. Xan iyo xumaan carrabkaaga waad ka ilaalisaa, jidiinkaagana xaaraan waad uga dhaaran kartaa. Awaamirta Alle ee arrimahaas ku saabsan raacistooda intii karaankaaga ah waad ku dadaashaa. Haweenka oo ah hubka ugu daran ee sheydaanku hurdo iyo soojeedba kugula dagaallamo marka aad la hadlaysid ma eegtid ee indhaha ayaad hoos u rogtaa ama wejiga ayaad dadabtaa, waayo sida aad og tahay eegistoodu waa sino. Haddana tiro ma leh inta jeer ee aad xubnahooda yaabka leh indhaha ku xadday. Mid gambadh ku fadhida oo bawdyaha bannaysay, mid guntiinada naasku dacal ka faydmay, mid dirac khafiif ah ay laabta iyo xalusku muuqdaan, iyo mid sii foororta oo badhida xaggaaga u soo fiiqday, intuba marar badan ayey naftaada miskiinadda ah cadaab ku shideen, oo aad wayso iyo tukasho isku qaboojisay.

Habeen adiga oo wayso qaba oo si aadan Qur’aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya, ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan……..LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).