Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Halis amni oo cusub ayaa ka jirta magaalada Muqdisho, waxaana warbixinno amni ay sheegayaan inay suurta-gal tahay inuu dhaco weerar loo adeegsado baabuur ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hay’adaha amniga ay bixiyeen digniin ku aadan in magaalada ay ku jiraan saddex baabuur oo bartilmaameed ka dhigan kara baraha kontrool ee ammaanka laga sugo ama dhismooyin.

Mid ka mid ah baabuurtan ayaa noociisa lagu sheegay Toyota Noah midbakiisu yahay Giriije. Lama yaqaan midibada labada baabuur ee kale, mana jiraan wax faah-faahinno ah oo intaan dhaafsan.

Hay’adaha amniga ayaa wada dadaallo looga hor-tagayo baabuurtan iyo inay fuliyaan qaraxyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii dhowaa xirtay dhammaan baraha laga soo galo magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday baabuurta. Inkasta oo taasi ay yareysay qaraxyada, haddana ma wada joojin.

Cabsidan ayaa imaneysa ayada oo 24-kii bishan July uu qarax is-miidaamin ah ka dhex dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo mas’uuliyiin badan lagu dilay, laguna dhaawacay qaar kale oo uu ku jiro duqa Muqdisho, Injineer Yariisow.

Sidoo kale qarax 22-kii bishan July ka dhacay bar laga sugo amniga garoonka Muqdisho, oo ku dhow KM4 ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, ayada oo 50 kale ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com