Sagaal qof oo ay ka mid yihiin toddoba carruur ah oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uu ka da’ayay roob xooggan, ayaa waxaa uu khasaare u geystay qoysas danyar oo deggan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho halka ay dumeyn guryo badan.

Guri ku yaalla Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir ayaa daad ku fatahay waxa uu galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Geerida carruurtaan ayaa timid kadib markii Biyaha Roobka ay ka sare mareen guryo ay ku jireen oo dhagax ka sameysan balse dhul ahaan ka hooseeya waddooyinka biyo mareenada ah sidaasna daadka ugu rogmaday.

Gurmad ay sameeyeen qoysaska deriska la ah dhibbanayaasha ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan caruurta qaar, waxaana socda dedaal biyaha ay uga saarayaan Hoygooda si ay dib u deegaansadaan.

Dhibaatada ugu weyn ayaa ka dhalatay war soo fatahday, taasi oo saameysay xaafado kamid ah Buula-Xuubey, waxaana Dowladda hoose lagu eedeeyey inay ka jifatay wax ka qabashada wartaas oo sanad kasta marka xilli roobaadka la gaaro dhibaato u geysato dadka deegaanka.

Muqdisho marka uu roobka da’o waxa uu saameynta ugu weyn ku reebaa qoysaska barakacayaasha ah, kuwa degen Guryaha qadiimiga ah & xaafadaha ka dhaw meelaha biyo mareenada ah, halka waddooyinka qaar isu socodkooda uu joogsado.