Sampdoria oo albaabada u furtay hadii uu Cassano kusoo laabanaayo kooxda.

Kooxda ciyaarta horyaalka Serie A Sampdoria ayaa albaabkeeda u furtay hadii uu kooxda kusoo laabanaayo Antonio Cassano – laakiin ma ahan isagoo ciyaaryahan ah.

Antonio Cassano oo haatan 30 jir ah ayaa 2007dii Sampdoria uga soo biiray kooxda Real Madrid, laakiin wuxuu ka tegay bishii Janaayo ee sanadii lasoo dhaafay ka dib markii uu cilaaqaad xun dhex maray isaga iyo madax weynaha kooxda Riccardo Garrone.

Wuxuu hada u ciyaaraa kooxda Inter Milan isagoo uga soo biiray AC Milab, waxaana la sheegaa inuu jeclaan lahaa inuu xirfadiisa ciyaareed ku afjaro kooxda Marassi.

Ki kastaba madaxweyne ku xigeenka Doria Edoardo Garrone ayaa maanka ku haya in Cassano ay macquul tahay inuu kooxda dib ugu soo laabto inuu waayo kale la wadaago.

“Inuu Cassano kusoo laabto Sampdoria waa wax macquul ah, laakiin ma ahan isagoo ciyaaryahan ah,” ayuu yiri Garrone.

“Cassano waa ciyaaryahan aan marnaba la helin taasna waa sababta uu ku yahay mid ka mid ah dad kooban oo loogu jecelahay kubada cagta. Wuxuu leeyahay awood aad u wanaagsan waxaana la fahmi karaa ciyaaryahan inuu wanaagsan yahay iyo in kale marka uu da’ noqdo.

“Mustaqbalka waxaan door bidi lahaa, marka uu Cassano kubada cagta ka fariisto, inuu noo soo laabto uuna soo saaro ciyaaryahano mustaqbal ku leh kubada cagta.”