Sanadka AMISOM baxeyso oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo loo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska midowga Africa ayaa sheegay in la xaqiijiyay in ciidamada AMISOM laga saarayo dalka Soomaaliya dhamaadka sanadka 2018, sida qorshaha uu yahay, kadibna ciidamada xooga dalka ay la wareegi doonaan amaanka dalka.

Ismaaciil Chergui oo ah gudoomiyaha midowga Africa ee nabad galyada iyo amaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada AMISOM Soomaaliya ka baxayaan 2018, laakiin qorshaha uu yahay in la tayeeyo ciidamada xooga dalka (CXD)

Ismaacil, ayaa sheegay iney qorsheynayaan in tababar iyo qalabeyn dhameystiran ay helaan ciidamada dowlada Soomaaliya, si ay ula wareegaan amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan tababarno oo aan qalabeyno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ka hor inta aynaan ka bixin dalka” ayaa ku yiri Smail Chergui shir jaraa’id intii lagu guda jiray xiritaanka shirkii 27 ee madaxda midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

AMISOM iyo Midowga Africa ayuu sheegay iney doonayaan iney arkaan dalka Soomaaliya oo amaan iyo kala dambeyn ay ka jirto.

“Waxaan u baahannahay Soomaaliya oo ammaan ah islamarkaana tixgelineysa xuquuqda aadanaha ee dhammaan muwaadiniinta” ayuu yiri.

AMISOM ayaa Soomaaliya soo gaartay sanadkii 2007 xiligaasi oo midowga maxaakiimta laga saaray dalka Soomaaliya.

Hadalka Ismaaciil ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin ka hor ciidamo cusub oo ka socda dalka Uganda ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimadaa@live.com