Sawirro: Saraakiil Itoobiyaan ah oo la kulmay Deni xilli uu Abiy cadaadis ku hayo Xasan

Garowe (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online saraakiil sare oo ka tirsan millateriga dowladda Itoobiya ayaa Axadii shalay ka degay garoonka magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Soo dhaweynta saaraakiishaas waxaa loo xil-saaray taliye ku-xigeenka ciidamada Puntland, waxaana markii ay ka soo degeen garoon loo gelbiyay Madaxtooyada Puntland, halkaas oo kulamo ay kula yeesheen madaxda maamulka Puntland. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyiada Puntland ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.”

Dowladda Itoobiya ayaa waayahaan dambe usul duub ugu jirtay kasbashada madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya, taas oo soo bilaabatay markii uu isbedelka siyaasadeed ka dhacay Soomaaliya, sidoo kalena ay Al-Shabaab isku dayeen inay gudaha u galaan dalka Itoobiya.

Booqashadan ayaa astaan kale u ah sida ay Addis-Ababa sare ugu sii qaadeyo faro-gelinta iyo cadaadiska ay ku hayso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Farmaajo, oo ay saaxiibo ahaayeen Abiy Ahmed, marna ma dhicin in saraakiil Itoobiyaan ah ay dalka sida ay u doonaan ugu soo tallaabaan lana macaamilaan maamul goboleedyada.

Waxaa horey u jirtay in saraakiil Itoobiyaan ah ay dhowr jeer tageen Baydhaba ayaga oo la macaamilaya madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, oo sidoo kale toddobaadkan hub lasoo gaarsiiyey.

Itoobiya ayaa dooneysay in Xasan Sheekh uu noqdo madaxweyne siyaasaddiisa arrimaha dibedda laga maamulo Addis Ababa, taasi oo sida muuqata ay ku guuldarreysatay, waxayna billowday cadaadis ka dhan ah xukuumaddiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa inuu go’aan ka gaaro sida uu ula macaamilayo Itoobiya kadibna ku dhaqaaqo.