Sarkaalkii abaabulay qaraxi hotel Saxafi oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada online) – Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay ruuxii ka dambeeyay abaabulka Qaraxii hotel Saxafi.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu ahaa maskaxdii abaabushay weerarka oo sagaalkii bishaan ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ahaa oo uu ku jiray wiilka uu Dhalay C/rashiid Shire Ilqeyte oo ahaa milkiilaha Hotelka oo isna seddex sano ka hor isla hotelka lagu dilay.

Walow NISA qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in la qabtay ruuxaasi, haddana ma aysan sheegin magaca iyo halka laga soo qabtay ruuxa ka dambeeyay abaabulka qaraxii Hotel Saxafi.

Hay’adda ayaa sheegtay in ruuxaasi la horkeeni doono dhawaan sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com