Sarkaalkii AL-SHABAAB u qaabilsanaa maaliyadda oo howl-gal lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey inay howl-gal qrosheysan ku dileen Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay sheegen inuu u qaabilsanaa Maaliyada.

Ciidamada DANAB ayaa howl-galkaasi lagu dilay sarkaalkaasi ka fuliyey inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cabdalla (Abuu Ayman) ayaa uruka Al-Shabaab u qaabilsan soo ururinta waxay ugu yeeran Zakawaatka ama Maaliyada ee gobolada Shabeellooyinka.

Sidoo kale ciidamada ayaa howl-galkaasi ku dilay 5 kale oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo aan la shaacin magacyadooda iyo shaqooyinka ay u qaabilsanaayeen xarakada, balse xiligaasi ku wada sugnaa hal goob.

Waxayna howl-galkaasi ciidamadu ku bur-buriyeen xarumo ay Shabaabku lacagaha Zakawaadka kaga qaadi jireen shacabka, iyagoona soo bixiyey miinooyin dagaalyahanada xarakadaasi ay ku aaseen waddooyin muhiim ah oo ay maraan dadweynuhu

“Horjoogaha lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badan-yihiin rayidka” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidamada DANAB ayaa muddooyinkii dambe dar-dar xoogan galiyay howl-galada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo dagaal adag kula jira, iyagoona dhawaan duleedka Afgooye ku dilay Sarkaal ka tirsanaa kooxdaasi.