C/WELI oo Ethiopia ka dalbaday arrin uu og yahay inaysan yeeleyn + Sawirro

Adddis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shalay magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Dessalegn, isaga oo ka codsaday arrin ay caddahay in Ethiopia aysan marnaba Somalia u ogoleyn.

Cabdi Weli ayaa Ethiopia ka dalbaday inay dib u dhis ku sameyso islamarkaana tayeyso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo horey ula dagaalamay Ethiopia.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Hailemariam Dessalegn uga mahad celiyay wax isaga uu u arko taageerada uu dalka Itoobiya mar walba la garab taagan yahay dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay ciidamada Itoobiya kaga jiraan AMISOM.

Cabdiweli Sheikh Axmed wuxuu dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sidii uu dalka Itoobiya u kordhin lahaa taageerada uu ka siiyo Soomaaliya dhanka ciidamada. Wuxuu Mudane Hailemariam Dessalegn ballan qaaday inuu dalkiisu gacan ka geysan doono sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya loo tayeeyn lahaa oo uu hub iyo rasaas u iibsan lahaa.

Si kastaba dad badan ayaa aaminsan in Ethiopia aysan marnaba dooneyn inay aragto ciidan Soomaaliyeed oo qaran oo awood leh, waxaana nasiib darro ah in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay taageero noocaas ah ka dalbadaan Ethiopia.

Cabdi Weli “Waxaa dalka Itoobiya nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen ciidamada AMISOM oo ay ku dareen ciidan badan. Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo walaalo ah oo aan kala maarmin.”

Dhiniciisa, Hailemariam Dessalegn wuxuu yiri: “Itoobiya iyo Soomaaliya waa isku dan. Itoobiya waxaa danteedu ku jirtaa inay Soomaaliya xasiloon tahay, waxaana dalkeenna ka go’an inaan dadaal walba ku bixinno sidii Soomaaliya aan uga taageeri lahayn inay gaarto guulaha ay higsaneeyso. Waxaan ciidanka Soomaaliya ka taageeri doonnaa inay helaan hubka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalaan cadowga labadeenna dalba halista ku ah.”

10111213

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com