Sawirro: DF oo diyaarad u dirtay degaano laga saaray Al-Shabaab – Maxay siday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gargaarkii ugu horreeyey u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku sugneyd deegaanadaas.

Gargaarkaan ayaa la diray iyadoo la raacayo amarkii shalay kasoo baxay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre kadib markii uu khadka taleefoonka kula hadlay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku sugan goobaha la xoreeyey.

Gargaarka oo raashin ahaa ayey Hay’adda maareynta Musiibooyinka u dirtay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan oo muddo badan ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah oo ay dowladda u kiraysay.

Deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa lagasoo sheegayaa inay ka jirto dhibaatooyin bini’aadinimo oo aad u darran, iyadoo dadku isugu darsantay colaad iyo abaar daran kadib markii 3 xilli la waayey roobkii di’i jiray.

Saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya howlgallada ayaa sheegaya in deegaannada laga saaray Al-Shabaab ay ugu tageen dad aad ugu dhibaataysnaa xukunka Al-Shabaab.

Waxaa qeybo badan oo dalka kamid ah waxaa ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaano badan oo ay muddo badan heysteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa diiday in gargaar la gaarsiiyo goobaha ay ku sugan tahay, waxayna taas badalkeeda dadka ka qaadan jirtay lacag iyo xoolo.