Sawirro: Dhaawaca wiil da’yar oo laga soo hoos saaray bur-burka Hotel Safari

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli Meydad iyo dhaawacyo laga baadi-goobayaa dhismooyinkii ku burburay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Burburka hotel Safari ayaa waxaa laga soo saaray wiil dhallinyaro ah kaas oo aan ilaa iyo iminka la sheegi karin in uu hotelka daganaa iyo in uu ka shaqeynayay.

Wiilkan ayey xaaladiisa caafimaad liidatay, balse ma aheyn mid laga deyrinayay oo waxa uu u muuqday mid kasoo kabsanaya dhaawacyada ku yaal.

Waxaa laga soo hoos saaray dhagxaan hoostooda sida ka muuqata sawirada, waxaana iminka la dhigay isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wiilkaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo nolol lagu helo Seddex maalin kadib qarixii ka dhacay bannaanka hore ee hotelka Safari, gaar ahaan isgoyska Zoobe.